4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Qarax ay Dhowr Qof ku Dhaawacmeen oo Xalay ka dhacay Magaalada Jowhar

Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhaawacantey qarax xalay ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Qaraxa oo ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro ah waxaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan  nabadsugidda  degmada Jowhar.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa xaafadda Hantiwadaag gaar ahaan dhinaca Geelow-Jaw, waxaana daqiiqado kaddib aagga soo gaarey ciidamada ammaanka.

Hawlgal baaritaan ah oo muddo kooban socdey ayey ciidamadu sameeyeen, waxaana hawlgalkaas lagu soo qabtey dhowr qof oo dhallinyaro u badan kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado.

Qaybo kamid ah Jowhar ayaa xalay bandow lagu soo rogey, balse xaaladda ayaa saaka ah mid deggen iyadoo dhaq dhaqaaqa dadka iyo ganacsiguna sidoodii caadiga ahayd ku socdaan.

Qaraxa  ka dhacay Jowhar wuxuu kusoo aadayaa xilli isla xalay dagaalyahanno Shabaabka ka tirsani weerar qorsheysan kusoo qaadeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya