4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Dowladda Somalia oo ka Warbixisay Saraakiishii loo Xiray Qaraxii Hoteel SYL


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa maanta markii ugu horreysay ka warbixisay baaritaan lagu hayo saraakiil loo xiray qaraxii 22-kii bishii Janaayo ee lasoo dhaafay ka dhacay Hotelka SYL oo ku yaalla ka soo horjeeda madaxtooyada Somalia.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Abuukar oo guddiga loo xil-saaray baaritaanka arrintan ka mid ah ayaa sheegay in 11-ruux oo ku eedeysan inay ku lug lahaayeen falkaas la xiray isla markaana ay ku socdaan baaritaanno.

Sidoo kale, Axmed Cali ayaa shir jaraa’id oo arrintan kaga hadlayay ku qabtay Muqdisho, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loosoo taagi doono shaqsiyaadka lagu helo inay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL ka dhacay.

“Xubnaha la qabtay waxaa ku jira saraakiil, waxaan aaminsanahaya inaan kiisaska arrintan la dadajin doono, maadaama arrintaan ay ahayd mid leh culayskeeda; xubnihii lagu helana maxkamadda ku shaqada leh ayaa loo gudbin doonaa,” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeenka Qaranka.

Dr. Axmed ayaa intaas ku daray ku daray in illaa xubnaha hadda loo qab-qabtay ay yihiin tuhumanayaal keliya; isla markaana ay kala saari doonoto maxkamad cidda dambiilaha ah iyo cidda aan dambiilaha ahayn.

Si kastaba ha ahatee, dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in guddi ay u saartay baarista qaraxyadii Hotel SYL oo mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab, waxaana laga dhur-sugayay natiijada kasoo baxda baaritaannada la wado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya