4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Japan oo Malaayiin Doollar ku bixisay ka Hor-tagga Qaraxyada Dalka Somalia


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Dowladda Japan ayaa ugu deeqday dalka Soomaaliya lacag dhan 3-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo wax looga qabanayo qaraxyada ka dhasha miinooyinka ku aasan Soomaaliya, iyadoo lacagtaan la soo maraiyay hay’adda miinooyinka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Mine Action.

Hay’adda Mine Action ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in lacagtan loo adeegsan doono baaritaanno lagu sameynayo soohdinta dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya kala qaybisa, si looga nadiifiyo miinooyinka ay wax-yeelladu kasoo gaarto dadka shacabka ah.

“Mashruucan waa mid wax looga qabanayo dhibaatooyinka dhanka amniga ah ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Somalia. Faa’iidada kale ee ku jirta waa in nafaf badan lagu badbaadiyo, shaqooyinna loogu abuuro boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah, waana dhaqaale dib ugu laabanaya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta Mine Action.

Xukuumadda Jabbaan ayaa sannadkii 2014-kii maal-gelisay mashruuc lagu horumariyay ciidamada booliiska Somalia, kaasoo saraakiisha booliiska Somalia lagu baray sharciyo la xiriira sidii ay shacabka Soomaaliyeed ay uga badbaadin lahaayeen qaraxyada; iyadoo intii uu mashruucu socday lagu bur-buriyay waxyaabaha qarxa oo aad u tiro badan.

“Taageerada dowladda iyo shacabka dalka Japan ay siinayaan Somalia waa mid sii socon doonta,” ayaa warbixinta lagu sheegay, sidoo kale waxaa lagu yiri. “Waxaanu gacan ka geysanaynaa sidii loo hirgelin lahaa isla-xisaabtanka, kaasoo kaalin weyn ka qaadan karta sidii loogu guuleysan lahaa howlaha maamul ee dalka iyo in dalka laga ciribtiro miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa.”

Dhul ballaaran oo Somalia ku yaalla ayaa waxaa ku jira miinooyin looga tagay xilliyadii ay dagaalladu socdeen, kuwaasoo dhibaatooyin fara badan ay kasoo gaaraan shacabka ku nool deegaannada ku dhow xuduudaha.

Sidoo kale, waxaa jira hub fara badan oo qaybo badan oo Somalia ka tirsan lagu daadiyay kaddib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia 1991-kii, taasoo ay sabab u ahayd in hub badan lagala baxay goobihii hubka lagu kaydin jiray.

Ugu dambeyn, warbixinta hay’adda Mine Action ayaa lagu sheegay in xoogga la saarayo deegaanada ku dhow xuduudaha u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, si looga hortago in miinooyinka ku aasan ay waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ku nool goobahaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya