4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
MUCAARADKA: Waa in la qabto kulan looga tashanayo hoggaanka Somaliland


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Isbahaysiga midowga Mucaaradka ee labadda xisbi mucaarad iyo Madasha wadatashiga, ayaa maanta ugu baaqay madaxweynaha inuu iskugu yeedho shir wadatashiga oo looga arrinsanayo ciddii gaadhsiin lahayd inay dalka doorasho ka dhacdo, maadaama oo doorashadda wakhtigeeddii ku dhacayn, isla markaana ku han-jabay haddii uu iskugu yeedhi waayo ay isbahaysigu iskugu yeedhi doono shir wadatashi.

Isbahasiga mucaaradka ayaa shir ay yeesheen go'aankii ay guddiga doorashooyinku ku shaaciyeen hawl qorsheedkooda oo tilmaamay in doorashaddu wakhtigeeddii dib uga dhacayso kaga jawaabay baaq ay madaxweynaha u dirayaan.

Sidoo kale, waxa uu golaha Guurtidda ugu baaqeen in aanay isku dayin muddo kordhin, isla markaana sheegay in aan xukuumad ku fashilintay inay doorasho qabato abaal looga dhigin muddo kordhin kale.

Murashax ku xigeenka Xisbiga Ucid C/rashiid Xasan Mataan ayaa saxaafadda u akhriyay Qodobada waxaanay u dhignaayeen sidan:-

1. Muddo dhaafku waa Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada labadaba, sidaas darteedna isbahaysiga Mucaaradku wuxuu ku baaqayaa in Axmed Maxamed Siilaanyo hogaanka u qabto Shir wada tashi ah, oo lagaga arrinsado hogaanka dalka gaadhsiin lahaa muddo xileedka u dhexeeya 26-06-2015 ilaa maalinta doorashadu dhacayso. Isbahaysiguna waxa uu ugu baaqayaa Shacbiga Gobolada iyo degmooyinka inay u midoobaan qabsoomida shirka qaran kana hor tagaan caqabad kasta oo ka hor iman karta;

2. Maadaama aan lagu kalsoonaan karrin ciddii fashilisay in doorasho inoo qabsoonto, Isbahaysigu wuxuu caddaynayaa in Haddii uu Mudane Siilaanyo diido Shirka wada tashiga, waxay Isbahaysigu ku dhawaaqayaan Shirka kala tashiga oo dhici doona bisha April ee 2015-ka.

3. Isbahaysiga Mucaaradku waxay uga digayaan golaha guurtida inay sameeyaan Muddo kordhin xaaraan ah oo aan la aqbali doonin, oo keeni karta dhibaato iyo fawdo dalkan la galiyo;

4. Isbahaysiga Mucaaradku waxay guddiga doorashada ka dalbanayaan inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan Jadwal dhamays tiran oo ay ku caddahay wakhtiga doorashadu;

5. Isbahaysiga Mucaaradku wuxuu uga digayaa Xukumadda inay samayso Abaabul aan loo baahnayn oo aan waxba inna tari Karin, sida ka qorshaysan khamiista ee loogu talo galay in jawaab lagaga bixiyo mawqifka Mucaaradka, haddii taas laga waantoobi waayo waxaa qasab noqonaysa in Mucaaradkuna shacabka ugu baaqo inay u soo baxaan.

Si kasta ha ahaatee, Qodobbadan soo saareen isbahaysiga mucaaradku ayaa ka dambeeyey go’aankii guddida doorashooyinku ku shaaciyeen xilliga muddo kordhinta ah taasoo ay ku sheegeen in macnaheedu yahay in waqtigii doorashada loo ballansanaa ee bisha Juun dib uga dhacayso.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland