4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Xaaska Madaxweynihii hore ee Ivory Cost oo lagu Xukumay Xabsi 20-sano ah


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Xaaskii madaxweynihi hore ee Wadanka Ivory Cost Laurent Gbagbo oo lagu magacaabo, Simone Gbagbo ayaa lagu xukumay maanta xabsi 20-sano ah, kaddib markii lagu helay inay qayb ka ahayd abaabulka rabashadihii caasimadda dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii, kaddib markii lagu muray doorashooyinkii dhacay sannadkii 2010-kii.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 3,000 oo qof, iyadoo uu dalkaas galay qalalaase dhanka amniga ah. Iyodoo xukunka haweeneydan ay ridday maxkamad ku taalla magaalada Abidjan.

Qareenkii u doodayay Simone Gbagbo oo lagu magacaabo, Rodrigue Dadje ayaa sheegay in go’aankan xukunkan ah ee lagu riday haweeneydii koowaad ee Ivory Cost uu yahay mid siyaasadeed oo lagu doonayo in siyaasadihii ay soo ciyaartay lagu xumeeyo.

Laakiinse, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Ivory Costa Soungalo Coulibaly ayaa xukunkaan ku tilmaamay mid lagu farxo, isagoo xusay in xukunkan uu yahay mid muujinaya inaan dambiyo noocan oo kale ah laga geysan karin dalka Ivory Cost.

Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Cost, Laurent Gbagbo ayaa sugaya xukunno ay ku rido maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah ICC, iyadoo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo ay ku jiraan kursi lagula kacay haween fara badan oo dalkaa u dhashay, dilal iyo jir-dilka xubno ku jiray siyaasadda dalkaas intii uusan xukunka waayin sannadkii 2011-kii.

Dowladda Ivory Cost ayaa ku gacan-sartay inay maxkamadda caalmiga ah ee ICC ay u gudbiso xaaska Gbagbo si xukun la mid ah kan saygeeda lagu rido oo kale loogu rido. Balse maxkamadda dalkaas ayaa dambiyadii lagu soo eedeeyay ku heshay haweeneydan, inkastoo ay iyadu iska diiday inay wax dambi ah gashay.

Simone Gbagbo oo 65-jir ah ayaa ahayd haweeney awood gaar ah leh intii uu saygeedu uu dalkaas ka talinayay, iyadoo xukunkeeda maxkamadeed uu dhacay aroornimadii hore ee maanta oo Talaado ah, kaddib wadatashi dhex-maray garsoorayaashii maxkamadda.

Qalalaasihii ka dhacay dalka Ivory Cost ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 3,000 oo qof, kaddib markii Laurent Gbagbo uu diiday in looga guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday sanadkii 2010-kii. iyadoo ay dalkaas ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay taageerayaasha Gbagbo iyo kooxo taageersanaa madaxweynaha dalka Ivory Cost Alassane Ouattara, iyadoo dadkaan lagu dilay rabshado socday muddo laba sannadood ah.

Taageerayaasha Laurent Gbagbo iyo Alassane Ouattara ayaa Abidjan oo ah caasimadda dalkaas isku weydaarsanayay labadaas sannadood hub ay ku jireen madaafiic culus oo ku dhacayay deegaanno ay shacabku deggen yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Gbagbo ayaa lagu qabtay howl-gal ay iska kaashadeen ciidamada Faransiiska iyo kuwa Qaramada Midoobay oo taageerayaashii madaxweynaha guuleystay la safnaa oo lagu qaaday xarunta madaxtooyada dalkaas ee Abdijan sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya