4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidanka oo xukunnno ku riday eedeysanayaal

Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Maxkamada darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuo xabsiyo kala duwan ah ku ridday eedeysanayaan la hor-keenay oo ku eedeysnaa inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Eedeysanayaasha la horkeenay maxkamadda oo tiradoodu ahayd shan ruux ayaa afar ka mid ah la xukumay, halka mid kalena lagu waayay eeddii lagu soo eedeeyay, kaasoo ay maxkamaddu amartay in xabsiga laga sii daayo haddii aan eedo kale loo haysan.

Kaaliyaha garsooraha maxkamaddda koowaaad ee ciidamada, Col. Xasan C/raxmaan Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunnada lagu riday eedeysanayashii maanta la horkeenay maxkamadda.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa waxay maanta u fariisatay dhageysiga dacwooyinka loo haysto shan ruux oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, xukunkana sidan ayuu u dhacay.

Eedeysane, C/qaadir Cilmi Shire oo 25-jir ah oo lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay qaybta fulisa qaraxyada ee Al-shabaab uuna qirtay inuu wax ka ogaa qaraxyadii ka dhacay dekedda Muqdisho, safaaradda dowladda Turkiga ay magaalada Muqdisho ku leedahay iyo qarax ka dhacay Xeebta Liido ayay maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa’in, ciddii dood ka qabta xukunka waxaa u furan rafcaan.

Eedeysan Asad Cumar Xasan oo 19-jir ah kana tirsanaa qaybta amniyaadka ee Al-shabaab uuna fuliyay dil loo geystay askari ka tirsan ciidamada dalka oo lagu magacaabi jiray, Xiddigle, Bool Yuusuf Xasan Caddoow dambiga lagu soo oogayna uu ku caddaaday ayay maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa’in, ciddii dood ka qabtana rafcaan ayaa u furan.

Eedeysan C/salaam Ciise Cilmi oo 24-jir ah laguna soo eedeeyay inuu ka mid ahaa Al-shabaab, markii la dhageystay markhaatiyaashii ku marag-kacayay uu ku cadaaday dambiga lagu soo oogay maxkamaddu waxay ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah.

Eedeysan Maxamuud Tahliil Kaahiye oo 29-jir ah laguna soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una qaabilsanaa dhanka gudbinta gaadiidka ay iska leedahay kooxda, dambigii lagu helayna lagu caddeeyay maxkamadu waxay ku xkuntay shan sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn, eedeysane Cali Maxamed Nuux oo 50-jir ah ku eedeysnaa in uu ka tirsan yahay Al-shabaab ayaa lagu waayay dambigii lagu soo oogay, iyadoo maxkamaddu ay amartay in xabsiga laga sii daayo haddii aan loo haysan dambiyo kale.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay ku riddo xukunno noocan oo kale ah xubno ku eedeysnaa Al-shabaabnimo oo la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya