4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Soolarada dabka dhaliya oo lagu wareejiyay Isbitaalka Kismaayo [SAWIRRO]

Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Maamulka Jubba ayaa maanta Soolarro loo isticmaalo dabka ku wareejiyay isbitalka guud ee degmada Kismaayo, iyadoo qalabkani uu yahay mid casri ah oo looga maarmi doono Matoorradii uu markii hore isticmaali jiray isbitaalka.

Qalabkan qoraxda dabka ka  dhaliyaha ayaa ah mid ay ku deeqday dowladda Norway, waxaana maanta si rasmi ah loogu wareejiyay isbitalka, iyadoo Soolarradan ay xirayeen injineerro isugu jira Soomaali iyo caddaan.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Jubbaland Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan uu wax weyn ka tari doono baahidii dhanka dabka ee ka jirtay isbitalka, isagoo xusay in hore qarasha aad u badan loogu bixin jiray korontada balse hadda laga maarmi doono.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway qalabkan Solarka ee ay gudoonsiisay, iyagoo sheegay in isbitalku yahay goobta ugu muhiimsan ee adeegga bulshada.

Qalabkan Soolarka ah oo laga soo iibiyay dalka German ayaa waxaa rakibay injineerro u dhashay dalkaasi, iyadoo injineerrada qalabkani rakibaya ay sheegeen in Soolarku wato Batariyaal dabka Keeydiya, kuwaasoo ay sheegeen in mudo dheer ay dabka keeydinayaan.

Qalabkan la gudoonsiiyay isbitalka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo kasoo kasbaneeysay dagaalladii burburkii ay reebeen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya