4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Safiirka Somalia u fadhiya dalka Imaaraadka carabta oo soo gaaray Kismaayo
Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Wafdigan oo uu horkacayay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Max’ed Cismaan Al-xamaadi ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo gudaha garoonka Kismaayo ay si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa markii uu yimid kadib waxaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay kulan kula qaateen madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Kulankan oo ay warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweeynaha Jubbaland iyo danjiraha dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin ammaanka iyo dhameystirka maamulka iyo weliba dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Intaa kadib wafdigii uu hogaaminayay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa booqday dekedda magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ka socdeen howlo maalmeedka caadiga ah ee marsadda, waxayna warbixinno ka dhageysteen madaxda dekedda Kismaayo.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan magaalada Kismaayo uu soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya