4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Diyaarado duqeyn ka geystay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa la sheegay inay ka geysteen duqeyn deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay Al-shabaab fariisimo ku lahaayeen, laakiinse lama oga khasaaraha ay duqeyntani sababtay.

Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in duqeynta ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, waxaana ay ka geysteen duqeynta aga-gaarka Ambareeso oo ku dhow degmada Baraawe iyo agagaarka deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii ayaa xaqiijiyay duqeyntan ka dhacday gobolka, balse wuxuu tilmaamay inay dib kasoo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa xilliyadii u dambeeyay duqeyn ka geysanayeen deegaanno ka tirsan Koonfurta Somalia oo qaarkood ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu dhawaan sheegay in dowladda Somalia la siinayo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn si ay ugula dagaalanto Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Al-shabaab ayaan wali ka hadlin duqeynta la sheegayo inay ka dhacday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, inkastoo aan looga baran inay ka hadlaan duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha ay ka geystaan deegaannada ay maamulaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya