4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Kooxda Ahlusunna oo Diidday inay Ciidankeeda kala baxdo Degmada Guriceel


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Mas’uuliyiinta Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa diideen in ciidamadooda ay ka saaraan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo sheegay in heshiiskii dhawaan ay la galeen dowladda Soomaaliya aysan ku jirin in ciidamadooda laga saaro Guriceel.

Guddoomiye ku-xigeenka golaha talada ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, C/llaahi Gurey ayaa u sheegay warbaahint in ciidamadooda ku sugan degmada Guriceel aysan kala bixi doonin degmada, isla markaana qodobbada horay loogu heshiiyay aanu qayb ka ahayn in ciidamadoodu degmada ka baxaan.

“Qodobbadii shanta ahaa ee lagu heshiiyay wuxuu dhigayay in ciidanka soo duulay laga saaro degmada, dibna loogu celiyo meelihii ay markii horeba ka yimaadeen sida Dhuusa-mareeb. In dadweynihii Guriceel ka barakacay lasoo celiyo, balse kuma jirin kuma jirin ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay degmada isaga baxaan, iyagaa horay u joogi jiray kamana baxayaan,” ayuu yiri Cabdullaahi Gurey.

Sidoo kale, mas’uulkan wuxuu sheegay in iyaga mar walba ay diyaar u yihiin inay dhaqan-geliyaan heshiiska, hase ahaatee mar kasta dowladda ay gadaal ka burburin jireen shirar la galo.

Ciidamadii dowladda Somalia ee ku sugnaa duleedka degmada Guriceel ayaa laga saaray, waxaana lagu bedelay ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ka socda oo maalmo ka hor degmada Guriceel la geeyay.

Dhanka kale, wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga Somalia ayaa wali ku sugan Guriceel, kuwaasoo dhameystiraya qodobbadii lagu heshiiyay, waxaana la filayaa in dhowr maalmood kaddib wadahadalo kale ay isugu yimaadaan si heshiis rasmi ah loo wada-gaaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya