4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Haweenka Soomaaliyeed ee Minnesota oo xusay Maalinta Haweenka Aduunka


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmahan la xusayay maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka ayaa sannadkii ugu horreeyay waxay haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ay xuseen maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka oo ku beegnayd 08-dii bishan.

Shalay maqribkii ayaa lagu xusay Safari Hall ee Minneapolis, taasoo ay ka qayb-galeen dadwayne fara badan oo isagu jiray bulshada noocyadeeda oo u badnaa haween iyadoo ragguna aysan ka maqnayn.

Xuskan oo qaban-qaabadeeda ay lahayd hay’adda Women Child Safe Center oo sannadkii hore laga aasaaasay Minneapolis ayaa waxaa furitaankiisii ka hadashay Ayaan Ciise oo ah aasaasihii iyo madaxa haya’addan waxayna u mahadcelisay kasoo qayb-galayaasha  kulanka, iyadoo xustay inay rabaan dhallinyaradada ku kortay Mareykanka inay tusaan oo ay baraana in dalkii Soomaaliya laga xusi jiray maalinta caalamiga ah ee haweenka.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadashay, Rebecca Otto oo ah hanti-dhawrka guud ee gobolka Minnesota; iyadoo ka sheekaysay kaalinta haweenka ay kaalinta hore kaga jirto horumarka bulshada gobolkan ku nool.

Waxaa kaloo iyadana hadashay, Rena L Moran oo ah xildhiibanad ka tirsan baarlamaanka Minnesota lagana soo doorto magaalada St Paul ayaa xustay horumarka xagga siyaasadda ah ee haweenka Maraykanka ay gaareen, iyadoo intaas ku dartay in loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalintaas wax kasoo buuxiyaan.

Hodan Xasan oo loo yaaqaan Hodan Heelo ayaa iyaduna ka akhrisay goobta warqad ay soo qortay xildhibaannada gobolka Minnesota laga doorto ee Amy Klobuchar, taasoo ay si gaar ah uga hadashay haweenka Soomaaliyeed.

Aqoonyahanad Haboon Daa’uud C/lle ayaa ka waran tahay taariikhda haweenka adduunka ayaa xustay in loo baahan yahay haweenka qurbaha ku nool inay caawiyaan haweenka ku sugan gudaha dalka, waxayna haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ay habboon tahayu inay qayb ka qaataan siyaasadda dalka Mareykanka, iskuna sharraxaan kuraasta kala duwan ee gobolka iyo magaalooyinka.

Waxaa ka hadlay goobta, Saciido Shaaciye oo guddoomiye ku xigeen ka ah  ururka Karen Clark oo laga soo doorto xaafadda 62A MPLS qayb ka mid ah, Busaad Khayre oo ka mid ah ganacsada Soomaaliyeed, Ilhaam Ashkir oo ka hadashay cilmiga caafimaadka bulshada, Farxiya Faarax oo iyadana si guud uga hadashay ganacsiga haweenka.

Ugu dambeyn, waxaa iyaguna heeso ka hadlayay haweenka soo bandhigtay fanaanada reer Minnesota oo ay ugu horreyso Hodan Shabiin heesahaas oo ay si aad ah uga heleen kasoo qaybgalayaashii kulanka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota