4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Madaxwyne C/weli Gaas oo Maanta Xarigga ka jaray wado cusub oo Laami ah


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo isku xiri doonta seddex xaafadood oo ku yaalla magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ,taasi oo dhisamaheedu uu soo socday muddo ku dhow hal sano.

Wadadaan oo dhererkeedu gaarayo 2-KM iyo 234-mitir ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 230,000 oo doollar,waana qayb-kamid ah mashruuca horumarinta degmooyinka ee JBLG-ga oo wali ka socda qaybo kamid ah degmooyinka gobolka.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada Puntland xubno ka socday hay’adaha QM ee taageera Puntland ayaa ka soo qayb-galay munaasabada xariga looga jarayay jidkan oo ka dhacday xaafadda Waaberi.

“Tan waa qayb ka mid ah ballan-qaadyadii ay horey u samaysay xukuumaddeyda, waxaa jiri doono kuwa kale oo iyagana xarigga laga jiri doono inta aan joogno xafiiska “ayuu yiri madaxweynaha oo goobta hadal kooban ka jeediyay.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntalnd Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wadadan dhismaheeda uu soo socday muddo sanad ah, isla markaana xukuumaddu ay dadaal dheeri ah ugu jirto hirgalinta mashaariic kale.

Ugu danbayn, madaxweynaha Puntland ayaa wadadan dhex-dhigay sanadkii hore bilo ka dib markii loo doortay madaxweynaha Puntland, waxaana maanta uu ka dalbaday dadweynaha in ay horumarka socda ka qayb-galaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]