4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaan cusub


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Masaajid-Cali-Guduud oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo saldhig ay ku lahayd Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee gobolkaas ku sugan ayaa sheegay in la wareegida deegaankan uu qayb ka yahay qorshayaal ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay Shabeellada dhexe kaga sugan yihiin.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in ciidamada isbahaysanaya iyo kuwa Al-shabaab uu muddo kooban dagaal ku dhexmaray deegaanka ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Deegaankan Al-shabaab waxay shacabka kaga qaadi jireen lacago, waxaana intii aan howlgalka ku jirnay aan ku dilnay saddex ka mid ah kooxda Al-shabaab, hub badanna waan kaga furannay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan kuwa hoggaaminayay dagaalka oo warbaahinta la hadlay.

Masaajid-Cali-guduud ayaa ah deegaan ay sii maraan gaadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia iyo Muqdisho, iyadoo deegaankan uu muddo sannado ah gacanta ugu jiray Al-shabaab.

Ugu dambeyn, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weerarro ay ku qaadeen Al-shabaab ku qabsaday sannadihii lasoo dhaafay magaalooyin iyo deegaanno kale oo gacanta dowladda ka maqnaa.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro hadal kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku saabsan deegaanka la sheegay inay Al-shabaab laga qabsaday shalay oo Isniin ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya