4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Ra’iisul Wasaare Cumar oo Addis Ababa kula kulmay Dhiggiisa Dalka Itoobiya


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan kula qaatray Addis Ababa ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn  iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, Tedros Adhanom.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay kulankooda kaga hadleen xoojinta xiriirka is-kaashiga ah ee ka dhexeeya labada waddan ee Somalia iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha . 

Sharma’arke ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay ka mid ah wasiirrada xukuumaddiisa, iyadoo socdaalkan oo ah kii ugu horreeya oo uu Itoobiya ku tago tan iyo markii xilka loo magacaabay uu hordhac u yahay safarro uu ku mari doono dalalka dariska la ah Somalia.

RW Somalia ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dawladdu ugu jirto xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha dawladda si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin ee muhiimka ah, isagoo ka hadlay arrimaha ay ka mid yihiin dhismaha maamullada gobolada, aasaaska guddiyada laf-dhabarka u ah hiigisiga 2016, dhamaystirka sharciyada, la-dagaalanka argagixisada iyo dar-dar-galinta tababarrada iyo qalabeynta ciidamada.

“Waxaan sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada nagala dhexeeya dalalka dariska nala ah oo ay ka mid tahay Itoobiya, arrimaha aan diiradda saari doonnana waxaa ka mid ah; amniga iyo dhaqaalaha. Somalia waxay ku socotaa wadadii dib-u-kabashada iyo dhismaha dawladnimo dib-u-soo celisa kala dambayntii iyo adeegyadii bulshada, waxaana dawladaha aan saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Itoobiya ay ugu horreyso uga mahad-celinayaa sida ay noogu garab-taagan yihiin dadaaladaas aan wadno ee ku aaddan xasiloonida dalka iyo qorsha hiigsiga 2016-ka,” ayuu yiri Cumar C/rashiid oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaba-gaboobmay kulankii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya.

Isagoo sii hadlaya Sharma’arke ayuu mar kale yiri. “Booqashadaan rasmiga ah waxay qayb ka tahay socdaallo aan ku mari doono dalalka dariska iyo saaxiibkaba la ah Soomaaliya si aan u dar-dargalino xiriirka iyo iskaashiga ee naga dhexeeya, ugana qaybqaadan lahaayeen sidii aan dalka ku gaarsiin lahayn xasilooni, dib-u-dhis iyo horumar la taaban karo iyo in dadka dadku ku midoobaan, uguna istaagaan sidii mar kale ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa marka uu soo gaba-gabeeyo booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Itoobiya wuxuu booqasho ku tagi doonaa dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya