4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Mudaaharaad looga soo Horjeedo Ciidamada AMISOM oo maanta ka dhacay Degmada Garbahaarey

Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Shacabka ku dhaqan Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa maanta dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ee ku sugan Degmadaas iyo Deegaanno kale ee Gobolka Gedo.

Dadweynaha Dibad-baxayay ayaa oo Watay Boorar ay Qornaayeen erayo ay uga soo Hor-jeedaan Ciidamada AMISOM ee Gobolka Gedo ku sugan, iyadoo ku Qaylinayay erayo ay ku muujinayaan inaysan AMISOM raalli ka ahayn amniga degmadaas kaddib markii ay ku eedeeyeen inaysan waxba ka qaban dhibaatooyin ka dhacay Garbahaarey iyo Deegaannada ku dhow-dhow.

Qaar ka mid ah dadkii soo Qaban-qaabiyay dibadbaxa ayaa sheegay in deegaanka Yoobsan oo 9-km u jira Degmada Garbahaaray ay dhawaan Xoogag Al-shabaab ka tirsani ku Dileen Ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Aadan Qaasim Suuleey kuna magac-dheeraa (Dhubbad), isla markaana aanay Ciidamada AMISOM waxba ka qaban falkaas dilka ah.

Mudaaharaadayaasha ayaa isugu soo baxay Waddada dheer ee aadda Deegaanka Buraa oo Qiyaastii 18-km u jira Garbahaarey, halkaasoo ay Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Fariisin.

“AMISOM dooni mayno, waxba kama qabanayaan dhibaatada shacabka lagu hayo, waxay Halkaan u joogaan waa Nabad-ilaalin, Nabadna kuma Haysanno,” ayay ku Dhawaaqayeen Dadweynaha dibadbaxa dhigay.

Dibadbaxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee looga soo Hor-jeedo Ciidamada ka socda Dalka Itoobiya ee ka Tirsan AMISOM kana Howlgala Garbahyaarey, iyadoo la sheegay in Mudaaharaadayaashu ay Gudaha u galeen Saldhig ciidan oo degmadaas ku yaalla, balse ay ciidamadu ka hortageen kana saareen.

Maamulka Degmada Garbahaarey iyo kan Gobolka Gedo ayaa weli ka hadlin Dibadbaxaan looga soo Hor-jeeday Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka Tirsan, Inkastoo Mas’uuliyiinta maamulka Gobolkaas Qaarkood ay xaqiijiyeen in cabashooyinka dadweynaha dibadbaxaya ay wax ka jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya