4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
JAN. GAAFOW: Sinaba looguma dul-qaadan karo in Ruux Soomaali ah uu soo Tarxiilo Somali kale


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay shan ruux oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo dhawaan laga soo celiyay magaalada Hargeysa, Isagoo Sheegay inaan loo Dul-qaadan karin in qof Soomaali ah uu soo Tarxiilo qof kale oo Soomaali ah.

Jen. Gaafow ayaa intaas ku daray in dowladda Somalia ay isku dayayso mar kasta in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo safarrada ay ku aadayaan Gobolada Dalka, isagoo xusay in Somaliland ay marar badan dhibaatooyin u geysatay dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia, taasna ay tahay mid aan loo dul-qaadan karin.

“Waxaan aad ugu xunahay arrin nagu soo laalaabatay, taasoo ah in muwaadiniin Soomaali ah oo dhoofay lagu dhibaateeyay Somaliland, balse innagu marka ay yimaadaan garoonka Muqdisho dhallinyaro kasoo dhoofay Hargeysa iyo Berbera Wanaag ayaanan u Sameynaa wax dhibaato ah oo uu nagala kulmayna ma jirto,” ayuu yiri jen. Gaafoow.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri. “Waxaa nasiib-darro ah oo caado noqotay in qof kasta oo Somalia inuu ka yimid sheegtay in Maamulka Somaliland ay Dhibaatooyin u Geysato, lana xiro si bani’aadamnimada ka baxsan loo dhaqmo, waxayna taasi keeni kartaa naceyb dhex-mara shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Jen. Gaafoow ayaa ugu baaqay Somaliland inay dadka Koonfurta Somalia ka yimaada ay si wanaagsan ula dhaqmaan, ayna joojiyaan dhibaatooyinka ay mar walba u geysanayaan.

“Halkan (Garoonka Diyaaradaha Muqdisho) dad Soomaaliyeed ayaa Shalay Diyaarad ka raacay, muraad ayay lahaayeen, Kharash badana wuu ka baxay, halkii Taageero loo fidin lahaa ayaa la dhibaateeyay xabsi ayaana la dhigay, xalay xabsiga ayay ku jireen. Saakana waa lasoo tarxiilay, marka in nin Soomaali ah uu qof kale oo isna Soomaali ah soo tarxiilo wax la qaadan karo ma ahan,” ayuu mar kale yiri Gaafow.

Xukuumadda Somaliland ayaan weli arrintan wax Jawaab ah weli ka bixin, Waxayna tani noqonayso arrin murugo leh, iyadoo la ogyahay inay xilli hore Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia, inkastoo aysan weli helin wax aqoonsi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya