4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Guddiga Maaliyada baarlamaanka oo la kulmay Saraakiil ka socday Wasaaradda Maaliyadda (SAWIRRO)


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Kulan looga dooday Sharciga Iibka Qaranka oo Hadda Hor-yaalla Baralamaanka Somalia ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka Qayb-galeen Guddiga Maaliyada Baarlamaanka, saraakiil ka socday Wasaarada Maaliyadda iyo Khabiir ka socday Bangiga Adduunka.

Kulanka ayaa lagu falan-qeeyey Ahmiyadda uu Sharcigaan u leeyahay dalkeenna iyo sidii xildhibaanda baarlamaanku u dadajin lahaayeen Ansixintiisa. Sharcigan ayaa jiray Xilligii Dowladdii Kacaanka, iyadoo Hadda la doonayo in la Waafajiyo Shuruucda Caalamka si u noqodo mid la Jaan-qaada Caalamka intiisa kale.

Sharcigan Ansixintiisa wuxuu aasaas u noqonayaa in loo gudbiyo Wasaaradaha, Haya'daha Qaranka iyo Gobollada dalka oo dhan si waxay soo gadanayaan iyo waxay rabaan inay soo iibinayaan loo waafajiyo sharcigan. Wasaarad kastana waxay yeelanaysaa Waax Qaabilsan iibka Qaranka, iyadoo Waaxdii ugu horraysay laga Hir-galiyay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Somalia, Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa Saxaafada uga Warbixiyay waxyaalihii looga hadlay kulankan iyo sida ugu habboon ee xildhibaanada baarlamaanku u dadajin lahaayeen Meel-marinta.

"Kulankan oo labo maalomood socday, waxaan uga doodnay horumarinta iyo dib u eegista Hindise Sharciyeedka Iibka Qaranka, Qandaraasyada iyo Adeegga loo Qabto Dadweynaha, Waxaaana u mahad-celinayaa dhammaan ka Qayb-galayaashii. Dooddii meesha ka socotay waxay ahayd mid miro-dhal ah, waxayna noqonaysaa tusaalooyin lasoo qaadan karo marka baarlamaanku ka doodayo sharciga Iibka Qaranka oo hadda horyaalla; horayna Akhriskiisii Koowaad loosoo maray. Hindisahan ayaa Wuxuu ku Saleysan yahay Horumarka Dalka iyo inaan helno Suuq xor ah, wuxuuna wax weyn ka tarayaa La-dagaallanka Musuq-maasuqa," ayuu yiri Xildhibaan Samaan.

Ugu dambeyn, Wuxuu xildhibaanku dhanka kale xusay inay muhiim tahay wax kasta oo la kala Gadanayo ama lasoo iibinayo inay Noqdaan ka Madax-bannaan Wax-is-daba-marin, taasoo yareyn karta musuq-maasuqa iyo in la xado xoolaha dadweynaha, isagoo muhiimad gaar ah u leh Qarannimada Soomaaliya.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya