4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
WAFDI uu Horkacayo Wasiirka Amniga Gudaha oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Max'ed oo ay qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax iyo mas'uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda ayaa maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne.

Wafdigaan ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Xubnaha Maamulka Heer Hobol iyo Degmo, Siyaasiyiin, Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, odayaal, waxgarad iyo qaar ka mid ah ururada bulshada.

Xubnaha wafdiga Wasiirka ayaa markiiba tagay madasha uu ka soconayo shirweynaha dib-u-hishiisiinta iyo Aayo ka talinta Gobolka Hiiraan oo ay ku Sugnaayeen Ergada ka Qeyb-qaadaneysa shirka ee ka kala socda beellaha wadda dega gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha guddiga shirweynaha nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaalle ayaa warbixin ka siiyay wafdiga wasiirka heerarkii kala duwanaa ee uu shirku soo maray, isagoo sheegay in meel wanaagsan u marayaan arrimaha dib-u-hishiisiinta, loona baahday in waqti dheeraad ah lagu darro shirka si dhinacyada oo idil loo qanciyo.

Dhinaca kale, nabaddoon Axmed C/dulle Jimcaale ayaa soo hadal Qaaday colaadaha kasoo Cusboonaatay Xuduudda Gobolka uu la wadaago dalka Itoobiya, isaga oo si gaarka ah uga codsaday dowladda Somalia inay wax ka qabato fara-galinta ciidanka Liyuu booliiska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ku hayaan deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

“Waxaan leenahay dowladda Soomaaliya waa in aysan ka aamusin arrintan oo ay tallaabo ka qaadaa, Waayo cidamada Liyuu Booliiska waxaa ay halkaa ka geysteen dhibaato xoog leh, siddaa daraadeed dowladda Somalia waa inay qaadataa doorkeeda ku aaddan joojhinta colaada deegaannadaas'' ayuu yiri nabadoon Axmed C/dulle Jimcaale.

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh inuu yimaado shirka, madaama sidda uu hadalka u dhigay abaabulka shirka iyo furitaankiisa uu wax badan kala socday.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo madasha hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaan erada shirka isagoo sheegay in dowladda Somalia si dhaw ula socto shirweynaha iyo halka uu marayo, dhawaanna la fillayo in uu soo gaaro madaxweyne Xassan Sheekh.

“Waxaan rabaa in aan idin soo gaarsiiyo fariin aan idinka sido Madaxweynaha Soomaaliya oo ah in uu soo Booqan doono Halkaan [Beledweyne] Marka uu dib uga soo laabto Safar la filayo inuu ku tago dalka Koonfur Afrika," ayuu yiri Cabdifitaax Xasan Afrax.

Duniyo Daahir Dhicsoow oo ku hadashay afka haweenka gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in ay reer Hiiraan u fadhiyaan in ay ka wadda hadllaan mustaqbalkooda siyaasadeed, iyadoo intaa ku darrtay in dowladda Soomaaliya ka codsanayaa in bulshada loo daayo in ay go'aan ka gaaraan Ayahooda iyo mustaqbalkooda ku aadan ka qeyb-galka nidaamka federaalka.

''Gobolka Hiiraan marka la eego baaxd ahaan iyo bulsho ahaa intaba wuxuu u qalmaa inuu Dowlad-gobolleed Sameysto isagoo aan cid kale Wax-ku-darsan, Sidaa darteed Dowladda Federaalka Somalia waxaa ka codsaneynaa inay tixgaliso rabitaankeena,” ayay tiri Duniyo Daahir oo ku hadashay Afka haweenka Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Somalia, C/risaaq Cumar Max'ed ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay u mahad celiyay siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qurba joogta ku dhabar adeygtay in shirku miro-dhal noqdo, Wuxuuna intaa ku daray in Wixii hadda ka Dambeeya Dowladda uu Qaadan doonto doorkeeda ku aadan shirka dib-u-hishiisiinta

Wasiirka ayaa odayaasha iyo Waxgaradka beellaha shirka ka qeyb-qaadanaya ku booriyay in ay xoogga saaraan siddii loo soo Af-jari lahaa khilaafaadka iyo colaada ka taagay qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xuduudda uu Gobolka la wadaago Itoobiya.

Safarka Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa imanaya Xilli Magaalada Beledweyne ku dhawaad mudo labo beelood ah loo fadhiyo shirweyne isugu jira dib-u-hishiisiin iyo wadda-tashi la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya