4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Ahlusunna oo Deegaano Cusub la Wareegtay iyo iska-horimaad ay la Galeen Ciidamada Dowladda


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Xoogag taabacsan Ahlusunna Waljameeca oo Maalin ka hor la Wareegay Magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa billaabay inay isku fidiyaan deegaanno ka tirsan Gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagga Ahlu-sunna oo ku Hubeysan Gaadiidka Dagaalka ay la wareegeen Deegaannada Xanan-buuro iyo Mareer-gur oo ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo la sheegay inay jiraan isku-dhacyo kooban oo Dhex-maray iyaga iyo Ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay Ahlusunna Qabsatay ayaa sheegay inay labadii casho ee u dambeysay ka socdeen deegaannadaas dhaqdhaqaayo ciidan oo ay Ahlusunna ku doonaysay inay ku qabsadaan deegaannadan.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii Dowladda oo ku sugnaa meel ku dhow deegaanka Xanan-buuro ay isaga baxeen, iyadoo la sheegayo inay deegaankaas ka taagan tahay xiisad colaadeed, lagana baqdin qabo inay dagaallo ka dhacaan.

Deegaanka Mareer-gur oo ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen fariismo Ciidan ayaa la sheegay inuu ka dhacay iska-horimaad muddo kooban socday oo Xoogagga Ahlu-sunna iyo Ciidamada Dowladda u dhexeeyay, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Warar laga helay shacabka ku nool deegaankaas ayaa sheegaya in Xoogaggii Ahlusunna ay la wareegeen deegaankaas oo noqonaya kii labaad oo ay Ahlusunna kala wareegto maanta Ciidamada Dowladda Somalia.

Dhanka kale, saraakiisha Ahlusunna ee ku sugan Dhuuso-mareeb ayaa u sheegay shacabka degmadaas inay aysan Aqoonsanayn shirka maamulka loogu sameynayo gobollada  Mudug iyo Galguduud ee ka socda degmada Cadaado.

“Bulshada Degmada Dhuuso-mareeb Waxaan ku War-gelinaynaa inay is-diiwaan-geliyaan ayna ka amar-qaataan  maamulka  Ahlusunna Waljamaaca,” ayay yiraahdeen Qaar ka mid ah Saraakiisha Ahlusunna oo hadal kooban u jeediyay Shacabka ku nool Dhuuso-mareeb.

Afhayeenka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa Sheegay in Qorshahoodu yahay in ay Sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan deegaanno kale oo ka tirsan Galguduud, isla markaana ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu ku sheegay warbixin uu maalin ka hor soo saaray in dowladda Somalia ay jawaab ka bixin doonto Qabsashada degmada Dhuuso-mareeb oo la doonayo in laga dhigo caasimadda maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya