4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Gobolka Awdal oo Maanta lagu qabtay Hub & Budada Waxyaabaha Qarxa laga Farsameeyo


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay maanta in ciidamada boolisku ay soo qabteen hub kala duwan oo si dhuumasho ah lagu soo galeyey gobolka Awdal.

Badhasaabka ayaa sheegay in marka ay dhameeyeen Warbixinta iyo Baadhitaanka ay ka war bixin karaan balse kaliya ay xusi karaan uun inay qabteen hub nooca Hoobiyaha loo yaqaan iyo kuwo qarxyadda lagu fuliyo ee buddo ah.

“Ciidanka booliska ayaa soo qabtay hub iskugu jira laba hoobiye, Rasaasta hoobiyaha iyo budada loo isticmaalo waxyaabaha la qarxiyo oo dhawr nooc iskugu jirta, iyo fuyuusyadii qalab noocyadaas ka kooban weeye”ayuu yidhi Ramaax oo la hadlayey idaacadda BBC-da.

Gudoomiye Ramax ayaan  wax faahfaahin ka bixin, haseyeeshee mar la waydiiyey inay hubkan loo waday Suldaana Wabar oo hore u sheegay inuu dagaal lagalayo Somaliland iyo in kale, ayaa sheegay in aanay wax xidhiidh la lahayn balsé loo malaynayo buu yidhi inay ururadda argagixisada ku lug leeyihiin, “Markaan warbixin hor dhac ah oo xaqiiqo ah ku siiyo qoladaas iyo hubkani wax xidhiidh ah oo ay leeyihiin ma jirto, tani waa arrin kale oo aad adiguba ka war hayso, markaa waxa weeye qaabka hubka la isticmaalayaa wuu kala duwan yahay, markaan in yar warbixin ku siiyo anigoo aan ahayn booliska oo faahfaahin badan bixin doona haddana markaad aragto biro la googooyay waxaas qoladan(Kooxda Wabar) xidhiidh ma leh, ee waxyaabihii awal ba geeska ka jiray ayay xidhiidh la leeyihiin, markaa angu kooxna ma magac dhabayo ee waxay xidhiidh la leedahay kuwii wax qarxin jiray.”

Badhasaabka ayaa sheegay inay hubkaasi u qabteen Sideed qof isla markaana baaritaankii Wali ku Socdo, Waxaanu yidhi “Waxaanu ku qabanay Gudaha Somaliland, Sideed way u xidhan yihiin baadhistiina way socotaa”.

“Waxaanu ku qabanay tuulooyinka xagga buuralayda xiga ee gobolka Awdal tuulo ka mid ah, waxaanuna ku ogaanay dee dalku sirdoon buu leeyahay, Ciidan boolis ah buu leeyahay, ciidan military buu leeyahay, dawladdiisa ayaa heegan ah oo ka soo horjeeda waxyaabahan oo kale runtii”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aanay ahayn markii ugu horreysay ahayn ee hub lagu qabto gobolka Awdal balse dhawr jeer oo horaba loo soo qabtay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland