4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo xilka la Wareegay iyo Isku Shaandhayn la Sameyn doono


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Agaasimaha cusub ee Maamulka xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa maanta si rasmi ah xilkaas ugala wareegay agaasimihi hore Cabdi Mahdi Abshir kaddib munaasabad Xil-wareejin ahayd oo lagu qabtay gudaha madaxtooyada.

“Waxaan ku faraxsanahay in Agaasimaha cusub aan halkan kusoo dhaweeyo maanta kuna Wareejiyo dhammaan Dukumentiyadii aan ku shaqayn jirnay,“ ayuu yiri Cabdi Mahdi oo hadal kooban ka jeediyay  munsaabaddi maanta.

Qaar kamid ah madaxda Puntland oo ay ku jiraan saraakiisha uga sareeysa madaxtooyada ayaa ka qayb-galay xafladdii xil-wareejinta ,waxaana laga dalbaday agaasimaha cusub in uu la yimaado waxqabad muuqda inta uu xafiiska joogo.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan ayaa madasha ka sheegay in isbadalkan uu hordhac u yahay isku shaandhayn dhawaan lagu samayn doono qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland.

“Diyaar waxaan u ahay inaan xilkan uga soo baxo si daacad ah, waxaan kaloo u mahad-celinayaa agaasimaha iyo dadkii isaga lasoo shaqeeyay,“ ayuu yiri Agaasimaha cusub ee maamulka madaxtooyada Puntland C/naasir Mahdi oo isna la ka hadlay munaasabadda.

Ugu dambayn, madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahii lasoo dhaafay waday isku shaandhayn ballaaran, waxaana ilaa iyo hadda la badalay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradaha dowladda ,iyadoo ay ku xigi doonto  tan golaha wasiirada Puntland sida laga soo xigtay mas'uuliyin ka tirsan dowladda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]