4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
SHARMAR’AKE: Waxaanu dhawaan Qaadi doonnnaa Dagaallo aanu kusoo Af-jarayno Al-shabaab


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa shaacisay inay qaadeyso dagaal ka dhan ah Al-shabaab inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota si dalka oo dhan looga saaro Al-shabaab oo qaybo badan weli gacanta ku haysa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay shirka Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ay kaga saarayaan gobollada ku dambeeya gacantooda si looga gun-gaaro Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Somalia 2016-ka.

“Al Shabaab waxay hadda Gacanta ku haysaa 20% Dhulka Somalia, laakiin Weerarka aanu qaadayno waa midkii lagu soo Af-jari lahaa; si awoodda dowladda iyo maamulkeedaba loo gaarsiiyo dalka oo dhan,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, RW Somalia oo la hadlayay wariyeyaasha kaddib kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xiligii dalka oo dhan laga saari lahaa Al-shabaab ay dhow-dahay, balse wuxuu xusay inay muddo dheer qaadanayso in maskaxda dhallinta Soomaaliyeed laga nadiifiyo fikirka xun ee Al-shabaab.

“Waxaan Qarka u saaran nahay inaan Al-shabaab Jabinno,” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in bilaha dhow ee soo Socda uu billaaban doono Hawl-galkii ciidanka si looga hor-tago khataraha Al-shabaab.

Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay dowladihii dalka soo maray xukunka ka tuurto ayaa looga bartay in Marka la gaaro Bisha Ramadaan ay Kordhiyaan Weerarrada ay ka geysanayaan magaalooyinka ay dowladdu gacanta ku hayso.

Dowladda Somalia ayaa Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ku Dhawaaqday Barnaamij ay ugu magac-dartay nabad ku Afur, hase ahaatee waxay Al-shabaab Qaadeen Weerarro lagu hoobtay, iyagoo ka jawaabaya hadalka dowladda Somalia.

Xarakada Al-shabaab ayaa maamusha deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo uu ka mid yahay Gobolka Jubbada Dhexe ee Somalia oo dhan, waxayna dadka falanqeeya siyaasadda ay aaminsan yihiin in muddo badan ay qaadan karo in dalka laga saaro Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya