4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
WARBIXIN: Hir-gelinta Nidaamka Federaalka Dalka iyo Saameynta Colaadda Gobollada Dhexe

Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Dadka ku dhaqan Gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee Bartamaha Somalia, ayaa isha ku haya halka ay saldhigtaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo militari ee maalmihii ugu danbeeyayba ka jiray deegaanno ka tirsan labada gobol.

Magaalooyinka Beledweyne iyo Cadaado waxaa ka soconaya shirar ujeedada ka danbeysa tahay siddii maamul salka ku haya nidaamka federaalka looga her-galin lahaa gobolladaas, balse hadana marka aad hoos ahaa u sii eegto waxaa jira caqabado shirarkaasi wajahayaan xiligan.

Tusaale ahaa shirweynaha dib-u-hishiisiinta iyo aayo ka talinta ka soconaya magaalada Beledweyne, waxaa saameyn xoog leh ku yaallanaya dagaallada marar badan soo noq noqday ee ka dhacaya deegaannada ku teedsan xadka gobolka uu la wadaago Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Deefoow, madaama ay adag tahay in la gaaro dib-u-hishiisiin dhab ah mar haddii qeybo ka mid ah gobolka wali dagaallo ka jiraan.

Waxaa jira guddi gaar ah oo shirweynuhu u soo saaray xal u helida colaada deegaannka Deefoow iyo tuulooyinka hoostaga, hasse ahaatee wali ma jirto tallaabo muuqata oo ay guddigu qaadeen, waana tan keentay in waqti dheeraad ah lagu kordhiyo xiliga loogu tala-galay in uu ku soo gabagaboobo wajiga hore ee shirka oo ah dib-u-hishiisiin, iyadoo fursad la siinayo beellaha wali maqan iyo xal ka gaarsita colaada khilaafaadka jira.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in magaalada Beledweynegaaraan xubno ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa iyo wasiirka wasaarrada ammniga C/risaaq Cumar Max'ed. oo la fillayo in ay kulamo kala duwan la qaataan mas'uuliyiinta maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka qeyb-qaadanaya shirka.

Dhinaca kale gobolka Galguduud waxaa ka jira is ballaarin xoog leh oo ay wadaan dagaal-lamayaasha Ahlu Sunna Waljameeca oo aan aqoonsaneyn shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee ka soconaya magaalada Cadaado,, dhawaanna waxaa ay la wareegeen degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka ay yeellanayaan gobollada Galguduud iyo Mudug.

Xoogagga Ahlu Sunna ayaa siddoo kale saacadihii ugu danbeeyay gaaray deegaanno ay ka mid yihiin Xanan-buur iyo Mareer -gur, taasoo ay ku muujinayaan awooda ay ku leeyihiin gobollada dhexe.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Somalia ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka jira gobolka Galguduud qeybo ka mid ah yihiin kuwo la doonayo in lagu car-qaladeeyo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe, siddaa daraadeed dowladda Soomaaliya u dulqaadan doonin.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka kala dhacay xadka labada gobol Galguduud iyo Hiiraan la wadaagaan Itoobiya ayaa la oran karaa waa kuwo walaac hor leh ku abuuray bulshada labada gobol, oo marka aad eegto xiligan hadal heyntooda ugu weyn tahay colaada wajiga cusub yeellatay ee lagu eedeynayo in ay ku lug leeyihiin ciidammada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Booliiska.

Dad badan ayaa aaminsan in Arrimahan ka socda Gobollada Dhexe, gaar ahaan Gobollada Galguduud iyo Hiiraan ay yihiin kuwo Siyaasadeysan oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin kooxo ama shaqsiyaasad ku loolamaya Awoodda maamul iyo gacan ku heynta Gobollada bartamaha Soomaaliya oo halbowlle u ah guud ahaan marka la eego dalka intiisa kale.

Hase ahaatee dowladda Somalia oo u muuqata mid ay ka go'an tahay hergalinta nidaamka Federaalka ayaa looga fadhiyaan maareynta iyo is-waafijta dabeysha siyaasadeed iyo gulufka colaadeed ee is bar bar soconaya gobollada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya