4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Xilalkii loo kala Wareejiyay

Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Duqa Magaalada Muqdisho ayaa is-bedel ku sameeyay Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoo Tallaabadan ay Tahay tii ugu horreysay ee la isugu bedelo guddoomiyeyaal degmo.

Guddoomiyihii degmada Shingaani, Saciid C/qaadir Saciid ayaa xilkii laga qaaday, isagoo noqday mas’uulka keliya ee xilka laga qaaday, halka la isku bedelay Saddex Guddoomiye.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Shibis, C/fataax ayaa loo bedelay Degmada Kaaraan, halka Guddoomiyihii Degmada Kaaraan loo bedelay degmada Shingaani, waxaa kaloo isna Degmada Shibis loosoo bedelay Guddoomiyihii degmada Waabari.

Muun-gaab Guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Waabari, waxaana wararka qaar sheegayaan inay jiraan Guddoomiyeyaal Degmo oo is bedelo lagu sameynayo, kuwana laga kala bedeli doono degmooyinka ay madaxda ka yihiin.

Illaa hadda lama oga sababta kusoo beegtay waqtigaan isku-shaandheyntan, iyadoo Duqa Muqdisho uu xilka hayo sanad iyo bilooyin. Dhowaan ayay aheyd markii Muungaab uu xilka ka qaaday Guddoomiyeyaashii Dharkeenley iyo Hodan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya