4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2015
Beesha Caalamka oo ka Dalbaday Dowlada FS iyo Maamulka Jubba inay Khilaafkooda Xalliyaan


Talaado, Juun 09, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay, Ururka IGAD, Hawlgalka AU-da ee Soomaaliya (AMISOM), Midowga Yurub, Maraykanka iyo Britain Ingiriiska waxay soo dhaweynayaan horumarka illaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka maamul samaynta ee Jubba.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dadaallada Dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhiirri-gelina-ynaa Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda Federaalka Somalia (DFS) inay si waxtar leh uga shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa wax kasta oo ka dhasha Geeddi-socodka Golaha Baarlamaan goboleedka Jubba, laguna xalliyo wadahadal iyo wadatashi. Caqabadaha hadda taagan ee la xiriira dhismaha Barlamaanka Jubba waa in lagu wajaho qaab dib-u-heshiisiin iyo isu-tanaasul ku dheehan yihiin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soos aareen saxiibbada Somalia.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri. “Guddiga Wasiirrada ah ee dhawaan u soo dhisay RW Somalia si ay uga talo-bixiyo xalka waa tallaabo wax ku ool ah. Waxaan soo dhaweynaynaa talaabadan muhimka ah ee horay loo qaaday. Waxaan dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso ku dhiirrigelinaynaa inay fursad siiyaan RW iyo xubnaha guddiga si ay hawshooda u gutaan iyo in guddiga lala yeesho wadashaqaynta loo baahanyahay.“

Beesha Caalamka ayaa qoraalkooda ku sheegay inay ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan Tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi-socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray. Iyadoo hadda la sameeyay golaha Baarlamaan goboleedka Jubba, waxaa socda geeddi socodyo dowlad dhisid oo muhim ah oo la xiriira dastuurka maamulka Jubba, arrimahaas dhammaantoodana waxay u baahanyihiin in dhinacyada arrintu khuseyso iyo beesha caalamkuba ay aad u taageeraan waqtigan hadda la joogo.

Ugu dambeyn, qoraalka waxaa lagu yiri, Waxaan rajeynaynaa inaan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu Horseedo. Saaxiibada ay Soomaaliya Caalamka ku leedahay Waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad-dhisidda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya