4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Ahlusunna Waljamaaca in ay isaga baxaan Dhuuso-mareeb


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Ergaygga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa warbixin uu caawa soo saaray uga hadlay qabsashadii degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo Aroornimadii shalay ay la Wareegeen Xoogag taabacsan Ahlusunna Waljamaaca.

Kay ayaa sheegay inuu si aad ah uga walaacsan yahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Galgaduud, isagoo ka dalbaday dhinacyadan in ay ixtiraamaan heshiskii bishii Maarso ee sannadkan lagu kala saxiixday degmada Guriceel.

"Dhammaan dhinacyada waa inay ix-tiraamaan Heshiiskii Xabad-joojinta ahaa ee lagu kala saxiixay Degmada Guriceel 05-tii Maarso, 2015,” ayuu yiri danjire Key oo ku daray intaas. “Waa inay dhinacyada oo dhan ka fogaadaan falalka rabshadaha ah; ayna sida ugu dhaqsiyo badan ku xalliyaan Xaaladda.”

Sidoo kale, Ergayga QM ayaa sheegay in shirka lagu dhisayo maamul gobollada dhexe ay yeeshaan uu muhiim u yahay xoojinta nabadda ka jirta gobolladaas, kaasoo laga sameeyay horumar, lana dhowro hab-sami u socodka shirkaas.

"Waxaan ugu baaqayaa Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca inay ka baxaan Dhuuso-mareeb oo ay ku laabtaan Fariisimahoodii hore, Khilaafyada jirana lagu Xalliyo si Nabad iyo isku-tanaasul ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Kay.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Inay koox walba u adeegsato hubka waxay rabto Waxay khatar ku tahay Horumarrada la taaban karo ee laga gaaray Sameynta Maamullada Gobollada Dalka.”

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia wuxuu warbixintiisa kusoo gaba-gabeeyay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay dadka Soomaaliyeed ka taageerto hannaanka Nabadda iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya