4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Wiil uu dhalay Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo lagu dilay Magaalada Minneapolis


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Waxaa habeennimadii Axada ee xalay xilliga Mareykanka abaare 11:00 fiidnimo lagu dilay Magaalada Minneapolis Xaafadda ay Soomaalida aadka u deggen tahay ee Riverside wiil Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Allaha u Raxmadee, AllaMagan M. Abdullahi Sangub oo uu dhalay Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub.

Booliiska Minneapolis ayaa Xaqiijiyay dilkaa oo dhacay Waddada 400 ee Xaafadda Cedar.

Dilalka loogu geysto Dhallinyarada Soomaaliyeed Gobolka Minnesota ayaan ahayn mid ku cusub dadka ku nool Magaalada, waana kuwo soo billowday Sanado hore, balse Sannadkii 2014-kii aad ayay hoos ugu dhaceen dilalkan.

Inta la ogyahay Sanadkan lagu jiro ee 2015, Waxaa lagu dilay Minnesota sadex dhalinyaro Soomaaliyeed ah, Marka lagu daro Magan Sangub, kuwaas oo kala dhacay Dhowr xilli oo kala ahaa:

11-kii bishii Abriil, waxaa la dilay Ayaan Abdullahi oo 21-jir ahayd, iyadoo dilkeedu uu ka dhacay guri ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis.

10-kii bishii May, waxaa la dilay Cabdicasiis Salaax Faarax oo 27-jir ahaa waxaa isna lagu Dhex-dilay Suuqa ugu wayn ee Soomaalida Minnesota, Gaar ahaan Meel ku Dhow Suuqa Karmal Square.

Ugu dambeyn, Alla-Magan Sangub ayay Booliiska Minneapolis Sheegeen in aysan ogaan weli sababta dilkiisa ka dambeysay, balse intii uusan dhiman ayaa loola cararay Hennepin County Medical Center, iyadoo Dadka Qaarkood ay sheegeen inay hal xabbad ay madaxa uga dhacday.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA