4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Xildhibaan Xoosh oo ka Jawaabay Warbixin ay Maanta soo Saartay Wasaarada Amniga Gudaha DF


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Somalia soona Noqday Wasiirka Dastuurka Somalia oo ka jawaabayay warbixin ay maanta soo saartay wasaaradda Amniga Gudaha Somalia ee ku saabsanayd Shaqsiyaad la sheegay inay magacyada mas’uuliyiinta dowladda Somalia ay ku been abuurtaan, ayaa sheegay in Go’aankaan uu Xad-gudub Weyn ku yahay Xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxday kali-talisnimo, isla markaana uu dalka leeyahay Dastuur dhigaya Xuquuqda uu muwaadinka Somaaliyeed xaqa u leeyahay.

“Dalku wuu ka baxay kali-talisnimo, Waxaana leennahay Dastuur Qeexaya Xuquuqda uu qofku leeyahay. Muwaadinka Soomaaliyeed  wuxuu tegi karaa magaalo kasta oo dalka ka mid ah, lama dhihi karo Magaalo kama bixi kartid, Magaalo kale ma tagi kartid,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday shaqsiyaadkii magacyadooda maanta lasoo bandhigay maanta, kuwaasoo Qaarkood lagu Amray inaysan magaalada Muqdisho ka bixi karin; wuxuuna go’aanaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xaqa uu qofka bani’aadamka ah leeyahay ee dastuurka dalka lagu caddeeyay.

“Wuxuu qorayaa dastuurka cutubkiisa labaad xuquuqda Qofka, taasoo ah inaan la argagax-gelin karin, la xiri karin - iyadoo aan sharci loosoo marin, marka Waxaan u arkaa Go’aanka Xukuumadda mid lagu Cabsi-gelinayo dad gaar ah. Waayo waxaa la yiri Dalka kama bixi kartid, waana ceeb in iyadoo aan la haysan Warqad ay Maxkamadi soo saartay qaarkood la xiro,” ayuu mar kale yiri Xoosh.

Xildhibaan Xoosh Wuxuu intaas ku daray in Magacyo been ah oo Baro lagu sameysto aan qiil loogu heli karin in Qofka Xuquuqdiisa lagu xad-gudbo, way dhacdaa in magacyo kale oo mas’uuliyiinta Caalamka baraha bulshada la sameysto, taasna dambi ma ahan, horayna way u dhacday.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli ay Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia ay soo saartay ay ku sheegtay in shaqsiyaad ay magacyadooda soo bandhigtay oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan ay si been-abuurasho ah magacyada qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ay Twitter iyo Facebook ku sameysteen iyo NGO-yo ay ku tilmaameen inay xaaladaha ka jira dalka iyo kugsiga haweenka ka been abuuraan.

Ugu dambeyn, Xildhibaanku wuxuu sharci-darro ku tilmaamay go’aankii ay maalin ka hor Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ka Qaateen Baarlamaanka Jubbaland oo Mooshin laga keenay la meel-mariyay, iyadoo lagu tilmaamay in baarlamaanka Jubba uu ku dhisan yahay sharci-darro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya