4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
SAWIRRO: Ururka SAMSA oo Danjiraha Kenya ee Mareykanka kala Hadlay Xawaaladaha Kenya


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Ururka Adeegga Xawaaladaha Soomaalida Maraykanka ee Somali American Money Services Association (SAMSA) ayaa maanta Minneapolis Kulan kula Qaatay Danjiraha Kenya u fadhiya Washington, Robinson Githea.

Ururka SAMSA ayaa kala Hadlayay Danjiraha Arrimaha Xawaaladaha Soomaalida ee laga xiray Dalka Kenya iyo Muhiimadda iyo Faa’iidooyinka ay u leeyihiin Xawaaladuhu labada Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha ururka SAMSA, C/casiis Sugule ayaa Arrintaasi Diiradda saaray, wuxuuna sheegay in dib loo furo Xawaaladaha inay tahay lagama maarmaan iyo in dowladda Kenya ay siyaabo badan muhiim ugu tahay shacabka Soomaaliya iyo in Kenya ay hoy u tahay dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkooda Qoxooti ku ah, inay jiraan Shacab badan oo Somali-Kenyan ah, kuwaasoo isticmaala Xawaaldaha iyo in ay Ganacsato badan oo Soomaaliyeed si weyn u maal-gashanayaan dalka Kenya.

Sidoo kale, Sugulle ayaa Fikrad Wanaagsan ka siiyay Danjire Githea Sharuucda ku aaddan lacag diridda ee u yaalla dalka Maraykanka iyo sida aanay u sahlanayn in lacag uu diro qof aanay la Xaqiijin lagana reebin Aqoonsi la tix-raaci karo goortii la doono. Isagoo intaasi ku daray in bangiyada Maraykanka dhinacooda caqabadi ka jirtay welina aanay dhamaan.

Xubno kale oo ka mid ah ururka, Qaybna ka ahaa Shirka ayaa iyaguna sii xoojiyay hadalka Sugulle; iyagoo muujiyay dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin in la xiro Xawaaladaha oo ay ku tilmaameen inay yihiin laf-dhabarkii nolosha ee Malaayiin qof oo masaakiin ah, kuwaasoo ku tiirsanaa biilka yar ee ehelladooda jooga Dibadda ay u soo diraan.

Kulanka lala qaatay danjire Githea waxaa kasoo qayb-galay Hoggaamiyeyaasha Bulshada Soomaalida ee dalka Mareykanka qaarkood, kuwaasoo si fiican ula hadlay safiirka; iyagoo isku dayaya inay Dareensiiyaan Danjiraha Kenya u Jooga Mareykanka dhibaatada haysata Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Intaas kaddib, Danjire Githea ayaa uga Mahad-celiyay Soomaalida Magaalada Minneapolis kuna Ammaanay sida Wanaagsan ee ay u soo Dhaweeyeen isaga iyo Wafuuddii la socotay. Wuxuuna ballan-qaaday in markuu ku noqdo Washington uu Qori doono Farriin, taasoo uu gaarsiin doono Xafiiska ugu sarreeya Xukuumadda Kenya. Wuxuuna xusay inuu dareensan yahay ifa-faale Wanaagsan iyo inay dowladda Kenya damacsan tahay in ay Xaaladda dib u saxaan.

Ugu dambeyn, Danjire Robinson Githea ayaa ugu baaqay ururka SAMSA inay lasoo xiriiri karaan mar walba oo Arrimahan oo kale ay uga baahdaan caawinaad. Iyadoo safiirka ay ku Casuumeen Gobolka Minnesota Ururka African Reconciliation and Development Center.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA