4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Xildhibaan Kenyaan oo dalbaday in si dhaqso ah Ciidamada Kenya looga soo Saaro Soomaaliya


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya, Axmed Ibraahim Cabbaas oo laga soo doorto Deegaanka Ijaara ee Gobolka Waqooyi-bari-Kenya ayaa Xukuumadda Kenya ugu baaqay inay Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM laga soo saaro Soomaaliya.

Mudanaha ayaa ku dooday in joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ay halis gelisay Amaanka Gobolka Waqooyi-bari-Kenya, gaar ahaan deegaanka Ijara oo laga soo doorto.

“Ciidanka Kenya sababtii loo geliyay Somalia waxay ahayd in Al-shabaab cagta la mariyo. Qorshahana wuxuu ahaa in magaalooyinka laga saaro Al-shabaab maamul loo sameeyo, waxayna xukuumadda Kenya u arkaysay in maamulladaas la dhisayo uu gacan ka geystaan la-dagaalanka Al-shabaab, balse xaaladdu waxay u eg-tahay in qorshuhu ahaa in la qabto magaalada dekedda leh ee Kismaayo oo keliya,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Ibraahim oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xusay in Ciidamada Kenya dantoodu ahayd inay ka qabsato Al-shabaab magaalada Kismaayo iyo Dekedda oo keliya. Haddii Degmadaas ay gacanta u gashayna dagaalka uma muuqdo inuu sidii la Qorsheeyay ku socdo.

Mar la Weydiiyay Xildhibaan Cabbaas in weli Al-shabaab ay tahay mid weerarrada kasii wadda Kenya iyo Somalia oo ay Muqdisho ku jirto; aysan ahayn xilligii ciidamada Kenya laga soo saari lahaa Somalia; ayuu kaga jawaabay su’aashaas.

“Tan iyo markii ay ciidamada Kenya galeen Koonfurta Somalia Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya dhibaato weyn ayaa naga soo gaartay, gobolka oo dhan wuu bur-buray, iskuulladii way xiran yihiin, weerarrada Al-shabaab way kordheen. Marka waxaan dib ugu laabannay xaaladihii adkaan, maamulkii laga dhisay Kismaayana ma ahan mid gacan ka geysanaya dagaalka Al-shabaab lagula jiro, marka waxaan ku talinayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Kenya looga soo saaro dalka Soomaaliya.”

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay inay jiraan dad dhahaya ciidanka dalka Kenya lagama soo saari karo Somalia oo waxay hoos-tagaan AMISOM, balse markii ay galayeen kuma gelin magaca AMSIOM, haddana waa laga soo saari lahaa mar haddii aanay fulin ujeeddooyinkii ay Kenya ciidamada ugu dirtay Somalia.

Su’aal Xildhibaan Cabbaas la weydiiyay oo ahayd inuu ka tirsan yahay Xisbiga ODM ee mucaaradka ah lagula yaqaanno inay kasoo horjeedaan joogitaanka ciidamada Kenya ee Somalia ayna u hadlayaan mucaaradnimo, balse aysan faa’iido ku jirin in ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia, ayuu ku jawaabay.

“Maya… anigu mucaaradnimo uma hadlayo ee waxaan u hadlayaa maslaxada Ijaara oo la iga soo doorto. Sidaan horay kuugu sheegay Somalia xuduud dheer ayaanu la leennahay, deegaannada gudaha Somalia iyo kuwa gudaha Somalia ku yaalla dhib ayaa uga yimid, Waxaana haysta laba dhib oo kala ah; mid uga yimid Al-shabaab iyo mid kale oo uga yimid maamulka Jubba ee laga dhisay Jubbooyinka, kaasoo aan ku wadin howsha si xaq ah; Waayo sidii loo caawiyay oo maamulka loogu dhisay oo magaalooyinka gacanta loogu geliyay, waxaa laga filayay inay dagaal la galaan Al-shabaab, balse sidaas ma aysan sameyn.”  

Waxaa kaloo la Weydiiayay Xildhibaanka Su’aal kale oo ahayd Dhibaatada kasoo gaartay Deegaanka Ijaara Weerarrada ay Al-shabaab kusoo Qaadayaan Kenya ayuu ku jawaabay.

“Dhibaatooyin fara badan ayaa naga soo gaaray, Waxaana ka mid ah in 32 Iskuul la xiray, Sidoo kalena Caafimaadkii ayaa la mid ah. Howlo badan oo la doonayay in laga Qabtana ammaan-darro ayaa loo qaban la’yahay, saameyn badan ayaana naga soo gaaray reer Ijaara ahaan.”

Ugu dambeyn, xildhibaan Axmed Ibraahim ayaa sheegay inuu Maamulka Jubbaland ugu baaqayo inay sidan isku Dhammaan, waayo magaalooyin badan ayaa gacanta loo geliyay, iyagana waxaa la rabay inay durkaan, tusaale ahaan deeganka Buulo-xaaji oo Kismaayo ku dhow Al-shabaab ayaa gacanta ku haysa. Tan kale ee aan ugu baaqi lahaa waa inay dadka deegaanka u noqdaan kuwo cadaalad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya