4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Wasaaradda Amniga Gudaha oo Shaacisay inay jiraan Shaqsiyaad ku been Abuurta Madaxda DFS


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — War-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaarada amniga gudaha Somalia ayay ku sheegtay inn baaritaano ay sameysay lagu ogaatay jiritaanka labo Kooxood oo ka shaqeeya; been-abuurka E-maillada Magacyo Mas’uuliyiinta Dowladda ka tirsan lagu sameeystay, isla markaana lagula xirriiray meelo badan. Kooxda labaad ayay ku sheegtay in ay yihiin NGO-yo mar kasta ku Qaraabta kana been-sheega waxa loo yaqaan Kufsiga oo inta ay Hay’ado shisheeye lacago uga raadsadaan.

Hay’adaha Amniga dalka ayaa kooxahan ku daba-jiray xilliyadii u dambeeyay, waxaana la ogaaday Kooxda koowaad (Black mailing) oo caadeysatay inay sameystaan E-maillo been abuur ah oo ay ku Qortaan magacyada Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya, iyagoo xirriiro caalami ah & kuwo maxali ahba la sameeyay meelo badan, dhanka kalana si been abuur ah u sameeystay baraha bulshada magacyo iyo sawirro been abuur ah oo ah kuwa mas'uuliyiin sare sare oo dowladda ka tirsan ay ka been abuurteen.

Waxaana ka mida mas’uuliyiinta ay been abuurka ka sameeyeen gudoomiyaha barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay ka sameeyeen cinwaan Twitter been-abuur ah oo magaciisa iyo sawirradiisaba ay ku abuureen, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayay ka sameeyeen cinwaano bartaha Bulshada Wadaagto oo been abuur ah iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale. madaxda hay’adaha Amniga dalka ayay ka been-abuureen iyagoo  sameeyay ciwaano iyo baro bulsho been abuur ah, isla markaana ku  af-lagaadeeyey qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira iyo dowladaha dariska ah iyagoo uu  ujeedkoodu yahay inay fidno ka dhex abuuraan shacabka iyo maamullada dalka ka jira iyo qaar ka mida dalalka aan dariska nahay.

Waxaana xusid mudan in dhammaan mas’uuliyiinta dowladda caddeeyeen in aysan isticmaalin baraha bulshada iyo cinwaanada been-abuurka ah oo ay kooxahani ay sida been abuurka ah u sameysteen.

Hay’adaha Amniga dalka oo daba-gal dheer kaddib kusoo oggaaday qaar ka mid  ah shaqsiyaadka kooxahan ku jira magacyadooda iyo meelaha ay joogaan halka qaarkoodna ay gacanta kusoo dhigeen kuwa maqanna lagu raad-joogo.

Kooxahan oo inta la og-yahay ay ka mid yihiin ragga magacyadooda ay hoos ku qoran yihiin ayaa ah kuwo baaritaanno dheer ay Hay’adaha Amniga ku hayaan isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan kooxdaan sharcigana la hor-geyn doono

Xubnahaas Waxaa ka mid ah;

1. Cumar Xaayow Calasoow oo dadku u yaqaanaan Cumar Bidaar, Adeegsadana magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Khadar Calas iyo Jamaal Xaayoow.
2. Cali Cabdi Warhdeere (Cali Yare);
3. Siciid Bulaale oo dalka si dhuumaaleysi ah uga baxsaday kaddib markii uu ka war-helay in hay’adaha Amniga ay raadiyaan kaasoo u baxsaday mid ka mida dowladaha dariska ah lagu haayo  hayeeshee  mardhow kala soo wareegi doono.
4.  Qofka afaraad oo magaciisa aan dib ka soo Sheegayno kuna Dhuumaaleysanaya Dalka Holland, kaasoo hay’adaha Amniga dowladda ay dhigeeda dalkaas kala shaqeyneyso sidii loo soo gacan galin lahaa sharcigana loo hor keeni lahaa.

Waxaa kaloo jira waxaa jira shaqsiyaad kale oo eedeysane yaal ah waxaana weli ku socota xaqiijin dib ayaana laga soo sheegi doono magacyadooda.

Raggan kooxda ah oo iyagu abuura cinwaanada Emaillada – been-abuurka ah oo ay ka sameeyaan mas’uuliyiin sar-sare ee  ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo sidoo kale sameynta baraha Bulshada ee been-abuurka ah ayaa hay’adaha Amniga waxay xusul-duub ugu jiraan soo qabashada iyo horkeenista sharciga, halka qaar ka mida kooxdaan ay Waasaaradda  Amniga ku amartay inaysan dalka ka bixi karin kaddib baaritaano wali ku socda aawgeed, kuwa maqan ayaa iyagana waxaa socda dadaalo hay’adaha Amniga dalka iyo dhiggooda dalalka ay joogaan u socda kuwaasoo iyana la horkeeni doono sharciga.

Dhanka kale, kooxda 2-aad ee NG-yo ah oo ku qaraabta kana been sheega waxa loo yaqaan Kufsiga. Sidaan Oggnahay kufisga Haween ka oo aan Og-nahay heerka dambiyada meesha uu uga jiro oo ah runtii wax aad u weyn, annagoo ogsoon waxa Diinteenna Islaamku ka ka qabto, annagoo ogsoon amarkii madaxweynaha Somalia uu horay uga soo saaray, ayaa waxaa jira NGO-yo gaar ah oo mar walba si Been-abuurasho ah ugu qaraabta in Dambi-yadaas waa weyn ay dalkeenna ka dhacaan, Waan Og-nahay Xubnahaas Waana ku Daba-jirnaa, hay’adaha Amniga dalkana baaritaano dheeraad ah kaddib ayaa lagu soo oggaaday.

Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliaayaa sheegtay in kooxahan ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan dagaallada ay dowaldda kula jirto Al-shabaab, balse dowaldda ayaa isha ku haysa Qowleysatada baryahan dambe soo baxday ee sameeya Emailada iyo Cinwaanada Baraha Bulshada ee been-abuurka ah ee ay sameysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya