4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
FAAHFAAHIN: Xaalada & Wararkii u dambeeyay Degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Galguduud


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Xaalada magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa saakay degan kaddib iska horimaad maalintii shalay ku dhaxmaray dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo ciidammada dowladda Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo dad-weynaha ayaa dib u soo laabanaya, waxaana meelaha qaar la arkayaa in dib loo furayo goobihii ganacsigii ku xirmay dagaalladii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada.

Xoogagga Ahlu Sunna aya la sheegay in ay fariisimo iyo saldhigyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha degmada, iyadoo ciidammada dowladda ee laga saaray Dhuusa-mareeb gaareen degmada Cadaado.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka dowlada Somalia C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa ayaa ku tilmaamay taalaabada ay qaadeen Ahlusunna mid lagu carqaladeynayo shirweynaha ka soconaya magaalada Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe.

Dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada gobollada dhexe ayaa dhaq-dhaqaaqyadan cusub iyo is ballaarinta dagaallamayaasha Ahlu Sunna ku tilmaamaya kuwa siyaasadeysan oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin dhinacyo ku loolamaya awooda maamul iyo gacan ku heynta gobollada dhexe.

Afhayeen u hadllay Ahlu Sunna Waljameeca oo lagu magacaabo C/nuur Max'ed Xusseen ayaa maalintii shalay warbaahinta u sheegay in ay ku sii socdaan deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dhexe.

Waa magaaladii labaad oo ay la wareegaan Ahlu Sunna iyaga oo horay uga
qabsaday ciidammada dowladda degmada Guri-ceel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya