4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Dalka Kenya oo Marti-gelin doona Shir-goboleed looga Hadli doono Arrimaha Xag-jirnimada


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya, ayaa marti galin doonto shir goboleed ku saabsan la-dagaallanka xag-jirnimada iyo sidii gacan looga geysan lahaa ka ho-rtagga marin habaabinta dhalinyaradda.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururada aanan dawliga aheyn ee NGO-yada (Non-governmental organizations), ayaa loo qorsheeyay inuu mudo afar maalmood ah ka socdo magaalada Nairobi- isagoona dhici doono inta u dhaxeyso 25-ka ilaa 28 bishaan June.

Monica Juma oo ah Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Kenya, ayaa sheegtay inta kulankaas uu socdo in looga hadli doono arrimo quseeyo xag-jirnimada gobolka, waxeyna sidoo kale sheegtay in natiijada ka soo baxdo shirkaas laga diyaarin doono Warbixino looga hadli doono shirka fadhiga guud ee Qaramada oo la qaban doono bishii September ee sannadkaan.

Monica, ayaa intaas ku dartay in kulanka diiradda lagu saari doonaa xakameynta dadka hormuudka- ka ah dhibaatooyinka, kuna hogaamiyo dhalinyarada.

"Waxaan doonaynaa in la fahmo naqshadaha hoose ee shabakadaha argagixisada iyo sidoo kale sheekooyinka ah in kor loogu qaado fikirka xag-jirnimada rabshadaha", ayay tiri. Monica oo hadalkaan ka sheegtay magaalada Nairobi mar ay shalay la kulantay wakiillo ka socday ururada aanan dawliga ahayn ee NGO-yada oo madax ka ah shirkaas.

Waxay sheegtay in xag-jirnimada laga bilaabo meelo ammaan ah, sida ay sheegeen Sirdoonka dowladda oo qeexay in shaqaaleysiinta ay shabakadaha argagixisada ku qorayaan dad cusub ay ka dhici karto qeyb ka mid ah Kenya.

Monica, ayaa dhanka kale sheegtay in lagu marti qaaday shirkaas guddoomiyayaal gaar ah oo ka imaan doono gobolka Waqooyi Bari Kenya, si ay oga caawiyaan dowladda; hab kale oo looga hortagi karo xag-jirnimada.

Shirkaan oo lagu wado dhamaadka bishaan inuu ka dhaco magaalada Nairobi, ayaa wuxuu imaanayaa ayadoo kowdii bishaan Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenyatta uu khudbad uu ka jeediyay Munaasabadii maalinta Qaranka Kenya ee Madaraka uu ku sheegay in dowladiisu ay la dagaalami doonto nooc kasto oo Xag-jirinimadu ay tahay.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu sheegay iney shaqaaleysiin doonaan dhalinyaro badan si looga hortago in loo adeeg-sado qaab qaldan oo xag-jirnimo ay ka mid tahay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya