4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Cayaaraha xagaaga ee HIRDA AFT 2015 oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Holland (SAWIRRO)


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha xilliga xagaaga ee HIRDA AFT Summer Cup 2015, kaasi oo sanadkiiba mar la qabto,  waxaana sanadkaan ka qeyb-galay, 16-kooxood oo Kubadda cagta ah, kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada kala gedisan ee dalka Holland iyo koox ka timid Magaalada Antwerpen ee wadanka Beljium.

Sidoo kale, Cayaaraha xagaaga ee HIRDA AFT Summer Cup 2015, ayaa sanadkaan waxaa lagu soo kordhiyay Tartanka Cayaaraha Fudud (Orordka), kaasi oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 30-Cayaaryahanno, kuwaasi oo ku kala tartamayay, orodka 1500M, 800M, 400M, iyo 200M, kaasi oo xiiso gaar ah u lahaa dadka xiiseeya Isboortiga, waxa uuna hal ku dhigiisu ahaa (Run For The Dream).

Marti-sharaftii Cayaarahaan lagu casuumay oo usoo daawasho tagay ayaa waxaa ka mid ahaa; Fanaanka Qaranka Soomaaliyeed, Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibril, Taliyihii hore ee Ciidamada B. Soomaaliyeed, Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe), Madaxii hore ee Jaamacada Umudda Soomaaliyeed, Prof. Cabdi Faarax, Madaxii BBC-da, Yuusuf Garaad, Cayaaryahanadii Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliyeed, Maama Batuulo Xaaji Nuur, Cayaaryahankii Kooxda Wagad, Shamsudiin Xasan Cabdulle (Diinow) iyo dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Kooxihii kasoo Qayb-galay Cayaaraha ayaa garoonka Kubada Cagta ee Bijlmer Sportpark, kusoo bandhigay Cayaar wanaag aad uxiiso badan oo soo jiidatay dadweynihii usoo daawasho tagay, iyadoona qeybihii danbe ee cayaaraha ay isugu soo hareen, kooxaha; Amsterdam, Nijkerk, Nijmegen, Zwijndrecht, waxaana Cayaartii Finalka usoo gudbay Zwijndrecht iyo Nijkerk, waxa ayna labadaasi koox daqiiqadihii loogu tala galay cayaarta ku kala baxeen bar-bar dhac, iyadoona laad ku laad (Rigoore) loo dhigay ay guusha ku raacday Kooxda Zwijndrecht oo la hooyatay Koobka Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015.

Abaalmarinada Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015, iyo sida loo kala helay.

Tartanka Orodka 1500M;

1- Cabdiraxmaan Maxamed (Bilad iyo Lacag)
2- Suleymaan Cabdi (Bilad)
3- Cabdinaasir Xasan Cawaale (Bilad)

Tartanka Orodka 800M;

1- Cabdiqani Maxamed (Bilad iyo Lacag)
2- Yaxye Cabdullaahi (Bilad)
3- Daahir Xasan Cawaale (Bilad)

Tartanka Orodka 400M;

1- Cabdinaasir Xasan (Bilad iyo Lacag)
2- Nuur Maxamuud (Bilad)
3- Nuur Cumar Yuusuf (Bilad)

Tartanka Orodka 200M;

1- Yaxye Cabdullaahi Mandaliif (Bilad iyo Lacag)
2- Muuse Xasan (Bilad)
3- Cabdilatiif Cabdi (Bilad)

Gabdha kaliya ee ka qeyb gashay tartanka Orodka 200M, oo lagu Magacaabo Naciimo Cabdullaahi Mandaliif, ayaa ku guuleesatay in ay hesho (Bilad iyo Lacag).

Cayaaraha Kubada Cagta.

- Cabdiraxmaan Cago, oo ka tirsanaa Kooxda Venlo, ayaa ku guuleystay Cayaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa Tartanka, waxa uuna helay (Abaal marin iyo Kabo).

- Liibaan Muumin, oo ka tirsanaa kooxda Nijkerk, ayaa noqday Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka, waxa uuna helay (Abaalmarin iyo Kabo).

- Kooxda Nijkerk, ayaa la guddoonsiiyay Koobka Kaalita 2-aad ee tartanka Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015, waxaana koobka Guddoonsiiyay, Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe).

- Kooxda Zwijndrecht ayaa ku guuleysatay Horyaalka Cayaaraha Xagaaga ee HIRDA AFT Summer Cup 2015, waxaana Koobka kaalinta 1-aad guddoonsiiyay, Fanaanka weyn ee Qaranka Soomaaliya, Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad.

Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Hey'adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, ayaa Hambalyo ujeedisay dhamaan Cayaaryahanadii iyo Kooxihii guusha ka gaaray Tartanka Cayaaraha HIRDA AFT Summer Cup 2015, waxa ayna mahad-celin ujeedisay dhamaan kooxihii, Marti sharaftii, iyo dadweynihii kasoo qeyb galay Cayaaraha xagaaga ee HIRDA AFT.

Cayaarahaan oo ah mid sanadkiiba xilliga kuleelaha mar la qabto, ayaa kusoo idlaaday jawi Isboorti oo dagan, iyadoona Hey'adda HIRDA ay isku diyaarineyso qaban-qaabada Cayaaraha Qaboobaha ee isaguna sanad weliba Bisha December lagu qabto Magaalada Amsterdam.

Salah Hassan Omer (Salah Dheere)
Email:
[email protected]
Amsterdam – Netherlands