4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2015
Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay joojisay Duullimaadyadii uga imaan jiray Soomaaliya


Isniin, Juun 08, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa Shaacisay markii ugu Horreysay inay u xayirtay duulimaadyadii uga imaan jiray Soomaaliya safarka Madaxweynaha Dalka Mareynkanka Barack Obama uu ku tegi doono dalkaas bisha July ee soo socota.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu wargeliyay sida ay sheegeen in la hakiyay wax walba oo duulimaad ah oo aadi jiray Somalia iyo kuwii ka imaan jiray, taasoo salka ku haysa sida loo sheegay booqashada Obama.

Dadweyne Soomaaliyeed oo doonayay inay dib uga soo laabtaan Somalia ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta, kuwaasoo qaarkood kaga dhoofay dalkaas dalalka dariska ah, si ay u soo galaan Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in taallaabadan ay uga gol-leeyihiin sidii lagu sugi lahaa amniga Madaxweynaha Mareykanka iyo wafdigiisa, iyadoo lagu wado in Obama uu booqdo deegaankii uu ku dhashay Aabbihiis.

Xukuumadda Somalia ayaan weli ka hadlin hakinta duulimaadyadii Soomaaliya uga ambabixi jiray Kenya, iyadoo la ogyahay in Kenya ay maalin walba aadaan kana yimaadaan diyaarado dhowr ah oo dad kala duwan qaada.

Hakinta duulimaadyadii Somalia ka imaan jiray ama aadi jiray ee Kenya ay soo saartay ayaa la sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin duulimaadyada diyaaradaha Jaadka ee Maalin walba yimaada Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya