4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 7 , 2015
SAWIRRO: Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo Maanta Kala Saxiixday Heshiis


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta Muqdisho ku yimid booqasho.

Xasan Sheekh ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal-weyna ay idin kaga hayaan Mashaariicda Qiimaha leh ee xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay ka Fulinayso dalka, taasoo dhiirri-gelin u ah dib u soo kabashada dalka, sida nabad-gelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in taageerada xilligan ay hesho ka sokow ay Somalia u doonayso in laga Caawiyo dhinacyada Maal-gashiga, dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha, hir-gelinta xarumo ay dhallinyaradu wax ka bartaan iyo Barnaamijyada Shaqo abuurista.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Sh. Abdullah ayaa dhankiisa ka mahad-celiyay sidii Wanaagsanayn ee loogu soo dhaweeyay Somalia iyo sidii loo sii Xoojin lahaa Xiriirka labada waddan.

Dhanka kale, Wasiirku ayaa xusay inay sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyo Somalia, isla markaana ay dooneyaan in waddamada Khaliijka ay door ka ballaaran midka aanu hadda ciyaarnay ka Qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulanka kaddib waxay labada dhinac yeesheen shir kale oo laba geesood ah iyadoo dhanka Soomaaliya ay ka qaybgaleen, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka, Waxbarashada, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Xubno kale.

Dowladda Imaaraatka dhankeeda waxaa uga qaybgalay Wasiirka arrimaha dibadda Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, Reem Al Hashimy oo Wasiir-u-dowle ka tirsan Xukuumadda Imaaraadka ah, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia, Mohamed Al Othman iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu dambeyn, Kulanka Waxaa la isku dhaafsaday Arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada Dal, dhinacyada ay iska-kaashan karaan iyo Arrimo kale. Waxaa kaloo lagu kala Saxiixday heshiis adeegga duullimaadyada rayidka ah ee labada dowladood ay wada-galeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya