4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
WAR-MURTIYEED: Puntland oo cambaareysay ansixintii Mooshinkii Baarlamaanka Jubbaland

Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa Maanta Taageero u Muujiyay go’aanki uu maamulka KMG- ah jubba xiriirka ugu jaray dowladda Soomaaliya ,waxaana war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Garowe lagu sheegay in go’aankaas uu ahaa mid hareer- marsan dastuurka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Qur'aan Jecel) ayaa warbaahina uu akhriyay warsaxaafadeed dhinacyo badan looga hadlay, isagoo sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso go’aanka Jubbaland .

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo shir-gudoominyay kulankii shalay ayaa sheegay in 132 xildhibaan ay mooshinka codkooda ansixyeen mooshinkan ,isla markaana uu sidaa ansax ku noqday.

Hadaba, Puntland ayaa Mowqifkeeda Arrintan ku Caddeysay War-Murtiyeedkan;

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]