4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
Ciidankii Dowladda Somalia ee Saaka laga saaray Dhuuso-mareeb oo Gaaray Degmada Cadaado


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Wararka naga soo Gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaa sacadihii ugu danbeeyay ee maanta gaareen ciidammo ku hubeysan gadiidka dagaallka oo kasoo baxay degmada Dhuusa-mareeb oo subaxnimadii hore ee maanta la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Sarkaal u hadllay maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagu magacaabo, Careys Maxamed Xaaji ayaa sheegay in ay soo gaareen Cadaado qaar ka mid ah ciidamadii dowladda ee Dhuusa-mareeb kula dagaallamay Ahlu Sunna Waljameeca,

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee Gobollada dhexe ayaa sheegay in ciidankooda ay kasoo saareen Degmada Dhusa-mareeb, kaddib markii ay soo Galeen Dagaalyahannada Ahlusunna Waljamaaca.

Careys Maxamed ayaa sheegay in ciidammada iyo gadiidka dagaalka ay wateen la dajiyay meel dulleedka ka ah degmada Cadaado, islamarkaana socdaan wadda hadallo la doonayo in xiisada lagu soo Af-jaro.

Illaa iyo Hadda dhab ahaan looma oga Khasaaraha ka dhashay iska-horimaadkii Saakay ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlusunna degmada Dhuusa-mareeb.

Xiisadahaan Colaadeed ee mar kale kasoo Cusboonaaday Gobollka Galguduud ayaa kusoo Beegmaya Xilli loo Fadhiyo Shirka lagu soo Dhisayo Maamulka Gobollada Galguduud iyo Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya