4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
Kooxo Hubeysan oo saddex Qof ku dilay xaafad ka tirsan Degmada Wajeer ee G. Waqooyi-bari


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Kooxo Hubeysan ayaa Saddex Ruux oo Shacab ah ku dilay Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, kuwaasoo laba ka mid ah ay ahaayeen rag iyo halka qofka kalena ay ahayd Haweeney, sida sheegay Taliyaha Booliiska Degmada Wajeer, Samuel Mukindia.

Samuel Mukindia oo Warbaahinta kula Hadlay Wajeer maanta oo Axad ah ayaa Xusay in Weerarkan uu dhacay Sabtidii shalay ahayd, ayna Geysteen Dabley ku Hubeysnaa Qoryo Fudud, Dilka kaddibna ay Baxsadeen.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray Kooxaha Weerarka soo Qaaday ay ka Tirsanaayeen Al-shabaab, ayna doonayeen inay dilaan guddoomiyaha Wajeer, Axmed Cabdullahi oo deggen meel ku dhow halka uu weerarku ka dhacay.

“Dableyda Weerarka Geystay Waxay ka Tirsanaayeen Al-shabaab, Waxayna Toogasho ku dileen Saddex ruux oo midi dumar ahayd, kuwaasoo ahaa Shacabka Magaalada Wajeer ku nool, waxayna doonayeen inay dilaan guddoomiyaha laakiin uma aysan suuro-gelin,” ayuu yiri Mukindia oo xusay in kooxahaas ay baxsadeen.

Guddoomiyaha Magaalada Wajeer ayaa ka badbaaday weerar lagu dili lahaa oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen xafiiskiisa bisii Abriil ee Sannadkan, inkastoo uusan weli ka hadlin kooxaha dilka ka geystay Wajeer ee doonayay inay isaga dilaan.

“Booliisku waxay wadaan baaritaano ay ku raadinayaan kooxihii dilalka saddexda ruux ka geystay degmada Wajeer,” ayuu Hadalkiisa raaciyay Mukindia, isagoo Sheegay in lasoo qaban doono lana horkeeni doono sharciga.

Ugu dambeyn, habeennimadii Jimcaha ahayd ayaa lagu dilay degmada Wajeer laba qof oo shacab ah, kuwaasoo loo dilay arrimo la xiriira colaado beeleed, iyadoo dilka labadan qof uu sheegay taliyaha booliiska Wajeer inuu ka dhacay xaafadda Lakole oo ka tirsan Wajeer.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya