4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
Kumanaan ardayda Somaliland ah oo Saaka u Fariistay Imtixaankii Dugsiyada Sare iyo Dhexe


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — In ka badan saddex iyo labaatan kun oo arday ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii shahaadiga ee dugsiyadda sare iyo dugsiyada dhexe ee Somaliland.

Fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo Fasallada 8-aad ee Dugsiyada Dhexe ee Sannad-dugsiyeedka 2014-2015 ayaa maanta si rasmiya uga furmay deegaanadda Somaliland.

Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Faarax Geedoole, ayaa sheegay in dhamaan goboladda iyo degmooyinka uu imtixaankii uga bilaabmay jawi degan, waxaanu ardayda usoo jeediyey inay deganaan ku gallaan imtixaanka.

“Jawi fiican ayuu ku bilaabmay imtixaankii, waxaana wararna naga soo gaadhay dhamaan degmooyinka iyo dugsiyada uu imtixaanku ka socda inuu usocdo si fiican oo nabadgalyo ah, waxaana mahadaasi iska leh ilaahay noo fududeeyey, waxa kale oo u mahadnaqayaa hawl-wadeenadda imtixaanka iyo xafiiska imtixaanka oo saddexdii bilood ee u dambeeyey aan ka seexanin sidii imtixaanka u diayarin lahaayeen”ayuu yidhi Geedoole

“Bari illaa Galbeed si fiican ayay uga billowday imtixaankii, wax mushkilad ah ilaa haddda lama soo sheegin, Waxaana Imtixaanka u Fariistay 23,300 Arday oo iskugu jira Dugsiyada sare iyo kuwo dhexe, halka dugsiyadda dhexe ka yihiin afar iyo toban kun, Dugsiyada Sare waa 9,000 oo Arday,” ayuu yiri gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland Daa’uud.

Sidoo kale, Ardayda ayaa iyaguna si fiican ugu soo diyaar garoobay, waxaana waalidka iyo maamulayaasha iskuullada oo maalmihii lasoo dhaafay dar-daar-gelinayay qaabkay u gallli lahaayeen imtixaanka iyo inay deganaan ku dhamaystaan imtixanka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland