4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
SAWIRRO: Murashax Axmed C/salaan Aadan oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Cadaado


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Musharax Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo u Taagan Xilka Madaxtinimada Maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta Gobolladaas.

Musharaxa ayaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado waxaa kusoo dhaweeyey mas'uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb, Xildhibaanno iyo Taageerayaasha Musharraxa, waxaana markii uu magaalada soo gaaray uu gacan qaaday dhamaan mas’uuliyiintii soo dhaweysay.

Musharaxa iyo wafdiigiisa ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Badbaado, halkaas oo uu markale kula hadlay taageerayaashii iyo madaxdii soo dhaweysay, isagoo halkaas ka sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ku taliyay in gobolada dhexe ee Somaaliya maamul loo sameeyo ,hadana uu taagan-yahay in uu xilka qabto.

“Waxaan diyaar u ahay inaan wax badan ka qabto halkan ,waayo waxaa saameeyay bur-burkii dalka ka dhacay  “ ayuu yiri musharax Axmed oo hadal dhinacyo badan taabanaya u jeediyay dadkii ku soo dhaweeyay Cadaado.

Musharax Axmed Cabdi Salaan oo ahaa safiirkii dowladda Soomaaliya ee Itoobiya ayaa sheegay in bulshada ku nool gobolada Dhexe uu wax badan u qaban doono hadii isaga la doorto ,xilli ay jiraan musharaxiin kale oo doorashada kula tartami doonta.

Ugu danbayn, Axmed  C/salaan ayaa todobaadkii ina dhaafay Muqdisho kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimada maamulkaas, waxaana uu ugu baaqay waxgaradka goboladaasi in ay taageeraan musharaxnimadiisa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]