4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
AFHAYEENKA AHLUSUNNA: Deegaano kale oo Gobollada Dhexe ka Tirsan ayaan kusii Soconnaa


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Afhayeen u Hadlay Ahlusunna Waljamaaca ayaa Sheegay maanta inay qorsheynayaan inay deegaanno kale oo ka tirsan Gobollada dhexe ay gaaraan Waqtiyada soo socoda, kaddib markii ay saakay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.

C/nuur Maxamed Xuseen oo ah afhayeenka u hadlay Ahlusunna ayaa u sheegay BBC-da inay dagaal la’aan kula wareegeen degmada Dhuuso-mareeb, ayna weli sii wadi doonaan qorshahooda ah inay dib ula wareegaan deegaannadii ay horay uga talin jireen.

“Degmada Dhuuso-mareeb waxaa gacanta ku haysa Ahlusunna, dagaal dhacayna ma jiro, waxaana doonaynaa inaan deegaannno kale oo hor leh aanu gaarno,” ayuu yiri Afhayeenka Ururka Ahlusunna Waljmaaca.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay muddo Toddoba sano ah kula Dagaallamayeen Al-shabaab Deegaannada Gobollada Dhexe, ayna doonayaan in ay Kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee ku haray deegaannadaas ay ka xoreeyaan.

“Qorshaheenu waa inaan deegaannadii aan kula dagaallanay ururka Al-shabaab ka Sifeyno haraadiga Al-shabaab, meelo kale ayaana gaaraynaa xilliyada soo socda deegaanno kale oo gobollada dhexe ka tirsan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdinuur Maxamed.

Afhayeenka ayaa la weydiiyay ujeeddada ay Dhuuso-mareeb u Weerareen, Maadaama ay  horay Dowladda heshiis ula galeen, ayuu kaga jawaabay inaysan jirin weerar ay qaadeen; wax dhibaato ah oo dhacayna aysan jirin, laakiinse ay dib ugu soo laabteen deeganno ay ka taliyaan oo ay Dhuuso-mareeb ka mid tahay.

"Bur-burka Heshiiskas Waxaa mas'uul ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, Dhankeeda ayuuna ka burburay. Waayo dowladdu waxay ka baxday qodobbo heshiiskaas ka mid ah oo ay ahayd in mar hore la fuliyo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca ayaa la Weydiiyay in haddii Dagaallo dhacaan, wixii khasaare ah ee ka dhasha ay iyagu mas'uuliyaddooda qaadayaan iyo in kale ayuu ku jawaabay, in Ahlsunna aysan jirin cid ay duullaan ku tahay, balse wararka ay HOL ka Helayso Dhuuso-mareeb ayaa Sheegaya in Dagaallo Kooban ay ka dhaceen Xaafado ka mid ka tirsan degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda FS ayaan weli ka Hadlin la Wareegidda lagala Wareegay degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta gobolka Galguduud oo ay iyagu Gacanta ku hayeen, Waxaana horay degmadaas looga saaray Ahlusunna Waljamaaca.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya