4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
SAWIRO: Ardayda Jaamacada Muqdisho oo u Fariistay Imtixaanka finalka sanadaha 2014/2015


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Waxaa shalay oo ay Taariikhdu ahayd 6/6/2015 u fariistay imtixaanka gabagabada sannad waxbarashadeedka 2014/2015 u fariistay ardayda wax ka barta Jaamacadda Muqdisho.

Imtixaankaan oo socon doono muddo12 casho ah waxaana ka Qayb-qaadanaya Ardayda dhigata sagaalka kulliyadood iyo 27-ka taqasus ee Jaamacadda Muqdisho ay ka kooban tahay.

Diiwaan-hayaha Guud ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xasan Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa u hambalyeeyay ardayda Soomaaliyeed meel kasta ay Adduunka ka joogaan gaar ahaan ardayda Jaamacadda Muqdisho, Macallimiinta, Maamulka, Shaqaalaha Jaamacadda Muqdisho iyo waalidka Soomaliyeed ee siiyay kalsoonida inay ubadkoodu wax ka bartaan Jaamacadda Muqdisho. Wuxuuna u rajayay ardayda inuu Alle qalinkooda toosiyo, siiyana guusha ay higsanayaan.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaamacaddii ugu horeysay ee waddanka laga hirgeliyo xilligii dagaallada sokeeye kaddib dalka laga aasaaso oo soo saartay arday wax badan u taray Shacabkooda Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba jooga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya