4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
Wasiirka Qorsheynta DFS oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka South Africa (SAWIRRO)


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte Waxaana Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Koonfur Afrika la qaatay kulan, iyadoo kulanka ay kasoo qaybgaleen Wax-garad, Aqoonyahanno, Ardayda Jamacadaha, Haweenka iyo Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida Soomaaliyeed ee ku nool magalada Cape town ee Dalka Koonfur Afrika.

Kulanka ayaa wuxuu ahaa mid labada dhinac ay isku-dhaafsanayeen xog, isla markaana lagu kala war-qaadanayay, iyadoo xubnaha Jaaliyadda ee kulanka ka hadlay ay wasiirka xog ka siiyeen nolosha Soomaalida ku nool Koonfur Afrika iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan kooxaha Burcadda ee dhibaarada ku haya.

Maxamed Raage oo ah Aqoon Soomaaliyeed oo wax ku bartay gudaha Koonfur Afrika wuxuuna sheegay in Soomaalida dhibaatoyinka ay kala siman yihiin dadka kale ee Ajaanibta ah ee u soo Qaxay Waddankaas.

“Soomaalida halkan fadhida qaarkood waxay haystaan sharciga Koonfur Afrika oo halka ay doonaan ay ku mari karaan sida Dalalka Yurub iyo Mareykanka, Dhinaca Dilalka iyo Dhibaatooyinka waxaan kala simannahay dadka kale ee ku nool dalka Koonfur Afrika, balse Soomaali haddaan nahay saameyn ayay nagu leedahay arrintan,” ayuu yiri Raage.

Sidoo kale, C/llaahi Cali Xasan wuxuu ka mid yahay Ganacsatada Soomaalida oo Sheegay in in Soomaalida ay fursado badan ku haystaan dalka Koonfur Afrika sida ganacsiga marka laga eego.

“Mar dhaweyd waxaa billaabay dukaamada yar-yar in Soomaalida ay ku noqdan shirkado; Halkaas ayuu Ganacsiga kusii ballaartay, waxaa la gaaray in Soomaalida ay Sameystaan Shirkado waa-weyn oo wax laga iibsado,” ayuu yiri Xasan.

Intaa kaddib, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool in ay wax la qayb-sadaan dadka ay la nool yihiin.

“Waxaan is-leedahay waxaad dalkiinna wax u tari-kartaan marka aad halkaan aad ku nooshihiin aad wax ka qabsataan sida Aqoonta iyo Ganacsiga, markaas kaddib ayaadna dalka wax u qaban kartaan, Xitaa Aragtiyo wax lagu dhisi karo ayaa la keeni karaa dalka iyo dadka looga faa’ideyn karaa,” ayuu yiri C/raxmaan Ceynte.

Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah xubnaha kala duwan ee kulanka ka qayb-galay ayaa halkaas Wasiirka ku weydiiyay su’aalo la xariira marxaladda waddanka uu marayo, iyadoo Wasiirka uu ugu jawabayay si wanaagsan dhammaan su’aalahii la weydiiyay oo ay ku qanceen Jaaliyadda waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya