4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
Barcelona oo ku Guuleystay Koobka EUFA Champion kaddib markii ay ka badisay Kooxda Juventus


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Kooxda Barcelona ee Dalka Spain ayaa markii Shanaad ku guuleysatay koobka UEFA Champions League, kaddib markii ay xalay 3-1 ku suul-daartay kooxda Juventus oo ay u soo wada baxeen Finalka Koobkan.

Ciyaartan oo xalay laga daawanayay caalamka daafihiisa ayay Barcelona waxay haysatay afar koob, iyadoo xalay shaneysatay, waxayna koobabkan ku guuleysatay tobankii sano ee u dambeysay.

Intii aysan ciyaartu billaaban ayaa waxaa Garoonka Magaalada Berlin lagu qabtay xaflad weyn, iyadoo markii ay ciyaartu dhammaatayna lagu qabtay xaflad taas la mid ah oo lagu sagootinayay Koobka horyaallada Yurub ee sannadkan oo gacanta u galay kooxda Barcelona.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Barcelona waxaa u suuro-gashay inay gool ka dhaliyaan kooxda Juventus, goolkaas oo la dhaliyay daqiiqadii Afaraad ayaa waxaa dhaliyay Ivan Rakitic oo ka mid ah laacibiinta Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa hoggaanka ciyaarta haystay qaybtii hore oo dhan iyo weliba billowgii qaybtii  dambe ee ciyaarta ka hor intii aysan Kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Juventus la imaan gool barbarro ah.

Sidoo kale, Juventus ayaa goolka barbaraha ah dhalisay daqiiqadii 55-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo uu u dhaliyay Ciyaaryahankooda Alvaro Morata, Waxaase Xigay Laba gool oo ay Kooxda Barcelona gadaal ka dhaliyeen.

Ciyaaryahan Luis Suarez ayaa Barcelona u dhaliyay goolkii labaad, kaddib markii kubad uu soo iska soo tuuray gool-hayaha Juventus uu shabaqa ku hubsaday Ciyaaryahan Suarez; taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.

Daqiiqaddii 90-kii ee ciyaarta ayay Barcelona goolkeedii guusha u dhaliyay ciyaar-yahan Neymar, iyadoo ciyaartu ay kusoo dhammaatay 3-1, ay  guushu ku raacday kooxda Barcelona oo xalay u muuqatay mid soo dhigtay wacdaro ciyaareed oo aan horay looga baran.

Ugu dambeyn, Tababare Barca Luis Enrique ayaa kooxdiisu waxay ku guuleysatay saddex koob, isagoo rikoorkaas ka barbareeyay tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya