4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2015
Ururka Ahlusuna oo Saaka la Wareegay degmada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud


Axad, Juun 07, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Sida ay HOL u xaqiijiyeen goob-joogayaal xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljameeca oo ka soo duulay degmada Guri-ceel, ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidammada dowladda ee degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaallka xoogiisa ayaa la leeyahay waxaa uu wali ka soconayaa qeybo ka mid ah degmada, gaar ahaan guriga guddoomiyaha gobolka Xusseen Cali Weheliya Cirfo, inkastoo dhamaan xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay la wareegeen xoogagga Ahlu Suna.

Weerarka Ahlu Sunna ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ku qaadaan degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, halkaa oo xarun u aheyd mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Galguduud.

Xoogagga Ahlu iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degmada Guri-ceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socoda haddii ALLE ogolaado

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya