4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Daawo: Maamulka Jubbaland oo sheegay in uu xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya
Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Ayadoo xildhibaannada baarlamanka federaalka Soomaaliya ay maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in baarlamanka Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah, ayaa waxaa shir jaraa'id oo deg deg ah xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo ku qabtay madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay jareen wax walba oo wada shaqeyn ah oo ka dhexeeysay iyaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo shirkii jaraa'id ee madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.