4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Qeybaha bulshada ee kasoo jeeda J/dhexe oo ka dooday qabyo-qoraalka dastuurka maamulka Jubbaland
Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda gobolka J/dhexe ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo waxa ay uga doodeen qabyo-qoraalka dastuurka maamulka Jubbaland.

Gudiga qabyo-qoraalka dastuurka ayaa usoo bandhigay qeybaha bulshada ee kasoo jeeda gobolka J/dhexe qabyo-qoraalka dastuurka cusub, iyagoo ugu baaqay in ay ka doodaan qodobada ku xusan dastuurka islamarkaana ay araahdooda ka dhiibteen qodobada ay u arkaan in ay u baahanyihiin in wax laga badalo amaba lagu kordhiyo.

Dhammaan dadkii kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dastuurka, iyagoo sheegay in loo baahanyahay in la helo xeer ay shacabka ku dhaqan Jubooyinka sameysteen oo kala haga shacabka iyo dowladda, qof walbaana xuquuqdiisa siinayaa.

Ugaas Cumar Xiireey oo gabagabadii qudbad goobta ka jeediyay ayaa sheegay in kulankani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada kasoo jeeda gobolka J/dhexe, waxa uuna intaa ku daray in loo baahanyahay in dadka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka ay ka doodaan dastuurka islamarkaana soo gudbiyaan aragtiyadooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.