4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Baydhabo oo Lagu Soo Bandhigay Taariikhdii RRA oo ka mid ahayd Ururradii Dalka ka jiray


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Xaflada lagu soo bandhigay Tariikhdii Jabhaddii RRA ayaa maanta lagu Qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo aysan munaasabaddaan kasoo Qayb-galin Maamullada Gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo ee maalin ka hor uu magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qayb-galay xubno horay uga tirsanaa ururkii RRA iyo Wax-garad ka tirsan kuwa Gobolka Bay, iyadoo goobta lagu soo bandhigay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay RRA.

Waxaa munaasabada ka hadlay Max'ed Aadan Qalinle oo ahaa Afhayeenkii Ururkii RRA, C/qaadir Berde iyo xubno ka tirsan Mas’uuliyiintii RRA sida Bayaadir Sheekh, Albaro iyo Yuusuf Kheyre Guuroow.

Dhanka kale, waxaa lasoo Bandhigay filimo ka hadlaya RRA iyo Dhibaatooyinkii dhacay sida dilal iyo kufsi ay geysteen ciidamadii ay RRA dagaalka kula jirtay Sagaashameeyadii.

Ugu dambeyn, waxaa bartamaha Magaalada Baydhabo isugu yimid dadweyne aad u fara badan iyadoo ugu dambeyn ay dadku u duceeyeen dadkii dhintay intii ay dalka ka jireen Colaadaha sokeeye.

Hiiraan Online, Baydhabo