4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
SAWIRRO: Siilaanyo iyo Wafdi uu Horkacayo oo Maanta u Dhoofay Dalka Imaaraadka Carabta


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Silaanyo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Waddanka imaaraadka Carabta, iyadoo Siilaanyo uu ku sheegay ujeeddada socdaalkiisa sidii uu ugala soo hadli lahaa Mas'uuliyiinta dalkaas Mashaariic ay siisay Somaliland iyo sidii iskaashigooda ay u ballaarin lahaayeen.

“Waxaanu Maanta u Ambabaxaynaa safar aanu ku Tagayno  Abu Dubai, halkaas oo aanu masuuliyiinta wadankaas kaga wada hadli doono mashaariic labada dal ka dhaxeeyo oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka reer Somaliland”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlayey ujeedadda safarkiisa, waxaanu intaas ku daray “waxaanu safarkayagu qaadan doonaa in muddo ah, waxaanan rajaynaynaa anaga oo khayr qabna inaanu dalka ku soo noqono.”

“Waxaan kawada hadli doonaa danaha labada dal  iyo mashaariic naga dhaxaysay oo aanu hore u wada wadnay  waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu nagu soo guuleeyo.” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Marwada Koowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Cali Axmed Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka khayraadka Biyaha, Baashe Cali Jaamac, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland